Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Beydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay wiil dhalinyaro oo ka mdi ah dhalinta ku dhaqneyd halkaasi.

Dilka ruuxaan rayidka ah ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan Bastoolado kuwaasi oo bartamaha magaalada Beydhabo ku toogtay ruuxaasi dhalinyarda ah .

Kooxa dilka  geystay ayaa isaga baxsaday halka ay dilka ka geysteen iyadoona durba halkaasi ay soo gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Beydhabo.

Ilaa hadda saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada Beydhabo ee xalay dilka uu ka dhacay ayaa ilaa hadda aaney ka hadlin oo wax war ah wali kama aysan soo saarin .

Meydka marxuunkan ayaa markii dilka loo geystay ka dib waxa laga qaaday daqiiqado ka dib halka uu yaalay.

Magaalada Beydhabo waxaa gacanta ku haya ciidamada dowldda Soomaaliya iyo kuwa Amisom waxaana xilliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo sidoo kale Qaraxyo lala eegto ciidamada iskaashanaya.

Xafiiska wararka Muqdisho

www.toosiye.com

4 DHAGAYSO:- Shir Xasaasi ahaa ” Yaa Iska Leh Kismaayo, Maxaa la isugu haystaa, yayse Muhiim u tahay Kismaayo
- Jun 15, 2013
Shir looga hadlayay arrimaha Jubbooyinka ayaa  lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa ...
Aw-libaax DHAGAYS:- Aw-libaax ” Ma jiro Shir Lagu qabanayo Muqdisho, waa inuu ka dhacaa Nairobi ama Kismaayo
- Jun 15, 2013
Gudomiyaha Ahlusunanda Konfureed  Ahna Gudomiyaha Saxiixeyaasha Jubbaland ayaa waxaa uu manta ka warbixiyay Socdaal ...
seeraar-kismayo DHAGAYSO:- Seeraar ” Hadalkii Golaha Ammaanka Muhiim ayuu u ahaa Jubbaland, Balse yaan lagu daalin shirka Muqdisho
- Jun 15, 2013
Afhayeenka Maamulka Axmed Madoobe C/naasir Seeraar ayaa soo dhaweeyay bayaankii nabadeed ee kasoo baxay ...
nin DHAGAYSO:- Wuxuu iska Soo tuuray dabaq Aada u dheer, waxaana jirtay wax uu ka fakarayay xilligaas, laakiin ma filayn inuu is-dilayo
- Jun 15, 2013
Wiil soomaali ayaa isku dilay gudaha wadanka Talyaaniga kadib markii uu kasoo booday dabaq ...
UN Golaha Amniga oo ka Hadlay Xaaladda Kismaayo
- Jun 14, 2013
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war saxaafadeed ka soo saarey xaaladda amni ee ...
Somaliland DAAWO MUUQAAL:- Somaliland ” Xafiiska Siyaasadda Ee UNSOM kama shaqeyn karo Somaliland
- Jun 14, 2013
Somaliland ayaa sheegtay in xafiiska siyaasadda UNSOM uusan ka shaqeyn karin Somaliland. Madaxda Somalilad ...