Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tacsi u direysa ehellada marxuum Sabtow


Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay tacsi u direysaa Ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo ahaa Khasnajigii Wasaaradda  oo 04-tii bishan December  ku geeriyooday Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ,halkaasoo mudadii ugu dambeysay noloshiisa uu ku xanuunsanayay .

Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo da’diisu aheyd 52 sano jir ayaa waxa uu ka mid ahaa howlwadeenada kartida iyo hufnaanta leh , isagoo Wasaaradda ku soo biiray sanadkii 2008-dii , waxaana lagu xasuustaa kaalintii wax ku oolka ahaa ee uu kaga qeyb qaatay shirkii lagu dhisay dowladdii Federaalka KMG aheyd ee lagu qabtay deegaanka Embagathi  ee Mgaaada Nairobisanadkii 2004-tii .

Marxuumka oo ku dhashay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xilligii dowladdii milatariga kaga mid noqday shaqaalaha dowladda hoose ee gobolkaasi , waxaana uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur  .

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, Aamiin… Aaamiin.

Xafiiska wararka Toosiye
Muqdisho.
toosiyenews@gmail.com

2 Talyaaniga oo dadka galaya dalkiisa kaga shakisan Alshabaab
- Jul 5, 2014
Madaxa Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa maalintii Khamiista ahayd ka digay in wuxuu ugu ...
11 Alshabaab oo looga baqayo dalka Uganda, iyo Mareykanka oo….
- Jul 5, 2014
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka guud ahaan Garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka ...
Kenya oo sheegtay in dad badan ay ka barakacayaan deegaanadii Alshabaab ay weerareen
- Jun 28, 2014
Boqolaal qoys ayaa ka cararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo ...
Annadif oo war kasoo saaray ciidamada AMISOM ee islaamka ah
- Jun 28, 2014
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa ...
2 Alshabaab oo arin layaableh ka sameeyay Buulo-burde
- Jun 26, 2014
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux ...
1 AMISOM oo arin dhici karta ka hadashay
- Jun 26, 2014
Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay ...