Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wadaad lagu gawracay dagaallo ka dhacay Tansaaniya

majeruh ramadan wod 8 geita hosp
BUSERESERE>      
    Dagaallo ku sallaysan diimo ayaa toddobaadkan ka dhacay magalaada Buseresere ee Tansaaniya, kuwaasoo keenay in la gowraco wadaad Masiixi ah iyo dhaawaca Tansaaniyiin dhowr ah, sidaana waxa weriyay warsidaha kasoo baxa dalka Tansaaniya ee Daily News.

Denis Stephano, oo ah afhayeenka Xafiiska Taliyaha Bilayska ee Gobolka Geita, ayaa sheegay in la rumeeysan yahay in hoggaamiyayaasha Muslimiintu ay dalbeen in si degdeg ah loo xiro kawaan-hilib oo ku yaal aagga oo ay lahaayeen Masiixiyiin. Markuu soo baxay amarkaas, ayay koox loo maleeynayo inay yihiin Muslimiin waxay weerar ku qaadeen kawaankii iyo Masiixiyiin dhowr ah iyaga oo sita billaawayaal iyo ulo, ayuu sheegay Stephano.

Wadaadka oo lagu magacaabo Mathayo Kachili oo ka tirsanaa Golaha Tansaaniya ee Kaniisadda ayaa lagu bireeyay isku-dhacyadaas.

Bilayska rabshadaha ayaa kala eryay dadkii isku soo baxay xaalkiina wuxuu kusoo noqday mid caadi ah, ayuu yiri Stephano, isagoo intaa ku daray in Guddoomiyaha Degmada Chato Rodrick Mpogolo uu booqday goobta isla markaana dadka degaanka ugu yeeray inay ka fogaadaan colaadaha una raaciyay isasaamixid ka dhexeeysa labada diin.

Toosiye News Desk
Toosiyenews@gmail.com


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Aadan-Madoobe Dhagayso: Aadan Madoobe oo Barre Hiiraale ku gacan siinaya qabashada Kismaayo
- Apr 20, 2014
Aadan Madoobe oo sheegay inuu yahay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka ...
Breaking-News Deg Deg: Dhagayso Qarax xoogan oo ka dhacay Gedo, iyo Duulaan Goordhow bilowday
- Apr 20, 2014
Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya Ciidamadda dawladda Soomaaliya ...
General Fartaag Dhagayso: Gen. Fartaag oo Difaacii ka baxay weerar xoogana ku qaaday Maamulka…
- Apr 20, 2014
Xili waayadan uusan saxaafada kasoo muuqan kuxigeenka Axmed Madoobe, Gen Fartaag ayaa waxaa uu ...
Breaking-News Faah Faahin: Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Guriceel
- Apr 20, 2014
Diyaarad Qaad siday oo saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka ...
barre_hiiraale Deg Deg: Dhagayso Barre Hiiraale oo ujawaabay IGAD, “A.Madoobe iyo Afey waa isku beel”
- Apr 19, 2014
Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal kasoo ...
Garbo-Breaking-News1 Deg Deg: Dhagayso: RW C/Wali oo amray in Barre iyo ciidamadiisa isa soo dhiibaan
- Apr 19, 2014
Raisul wasaaraha Soomaaliya Pro Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo magaalada Kismaayo ku ...