Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shabaab’shacabka Muqdisho cadawga ayey naga raaceen oo nama taageersana

Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay hadal ka soo saareen dagaaladii ugu dambeyay ay la galeen ciidamada dowlada Soomaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya .

Sheikh Cali Maxamed Xuseen wakiilka shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in AMISOM iyo sidoo kale ciidamada dowladda ay dagaallo kula galeen Muqdisho .

Sidoo kale wakiilka shabaab ee gobolka Banaadir waxaa uu tilmaamay in Muqdisho ay ka geysteen dilal kala gadisan qaabab kala duwanna ay u fuliyeen waxaana sidoo kale uu ka hadlay dagaalada dhexmaray iyaga iyo ciidamada iskaashanaya waxaana uu shaaciyay in ay askar badan ku dileen.

Waxaa sheegay Sheikh Cali Maxamed Xuseen in ay goor dhaw ay dib u qasan doonaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho isla markaasina ay arintaasi ku guda jiraan .

Wakiilka shabaab ugu magacaaban Muqdisho waxaa uu shacabka Muqdisho ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen taageeradii ay siin jireen ururkooda  waxana uu tilmaamay inshacabka ay haatan u weecdeen dhanka cadawga sida uu tilmaamay.

Al-Shabaab ayaa mar ka ariminjiray inta badan degmooyinka gobolka Banaadir  balse dagaalo sanado soconayay ka dib waxaa ay keentay in shabaab ay mar qura baneeyaan aagagii dagaalka  taasi oo dhalisay in shabaab Muqdisho laga saaro.

Xafiiska wararka Muqdihso

www.toosiye.com

2 Talyaaniga oo dadka galaya dalkiisa kaga shakisan Alshabaab
- Jul 5, 2014
Madaxa Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa maalintii Khamiista ahayd ka digay in wuxuu ugu ...
11 Alshabaab oo looga baqayo dalka Uganda, iyo Mareykanka oo….
- Jul 5, 2014
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka guud ahaan Garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka ...
Kenya oo sheegtay in dad badan ay ka barakacayaan deegaanadii Alshabaab ay weerareen
- Jun 28, 2014
Boqolaal qoys ayaa ka cararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo ...
Annadif oo war kasoo saaray ciidamada AMISOM ee islaamka ah
- Jun 28, 2014
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa ...
2 Alshabaab oo arin layaableh ka sameeyay Buulo-burde
- Jun 26, 2014
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux ...
1 AMISOM oo arin dhici karta ka hadashay
- Jun 26, 2014
Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay ...