Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Saaka iyo Balad-Xaawo, faahfahin baanu idiinkaga haynaa dagaalkii shalay


BALAD-XAAWO.  
               Dagaal kharaar oo ka dhacay magaalada B/Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo shalay galinkii dambe ayuu warsidaha Toosiye.com baaris ku sameeyay khasaarihii ka dhashay dagaalkaas.

Waxyaabaha aan soo ogaanay waxaa kamid ah qasaaraha ciidamada dowladda, shacabka iyo hantida maguurtada ah iyo midda kale.

DHINACA DOWLADDA.

Ciidamada waxaa ka dhintay laba askari oo midkood lagu magacaabi jiray C/llaahi haybtiisa qabiilna lagu sheegay inuu ahaa Talxe. waxaa kaloo ka dhintay nin aysan noo suurtagalin inaanu helno magaciisa laakiin haybtiisu ahayd Reer Ugaas-Sharmaake.

Waxaa ciidanka ka dhaawacmay hal askari oo lagu magacaabo Macallin Cabbeey oo haybtiisa lagu sheegay Talxe.

Dhammaantood waxay askartaasi ku dhinteen kuna dhaawacmeen saldhigga magaalada, halkaasoo uu ka dhacay dagaalkii ugu xoogganaa ee shalay ka dhacay degmada B/Xaawo.

Al-Shabaab oo gacanta ku wada dhigay magaalada ayaa foodda galin waayay saldhigga magaalada ciidamadii ku sugnaa waxayna u adeegsadeen hubka tiknikada iyo hoobiyayaal.

DHINACA SHACABKA.

Shacabka waxaa soo gaaray khasaare laba qof oo dhaawac ah, labadaas qof mid waxaa lagu magacaabaa Teersa-Weyne habtiisa qabiil waxaa weeye Reer Axmed, halka mid kalena lagu magacaabo Gureey oo Talxe ah.

Teersa-weyne nin ka la dhoho wuxuu ku dhaawacmay markii gurigiisa uu kusoo dhacay rasaasta hoobiyaha loo yaqaan oo kusocotay saldhigga magaalada oo gurigiisu uu ku dhaggan yahay, guriga ninkaas wuu gubtay gabigiis. Ma jirto khasaare kale oo naloo sheegay in qoyskiisa ay wax kasoo gaareen.

Sidoo kale Gureey wuxuu ku dhaawacmay meel faarad ah oo sariiraha lagu sameeyo oo u dhow xarunta degmada ee magaalada halkaasoo ay ugu tagtay rasaas.

Dhanka shacabka waxaa jirta ayaa la leeyahay,  gabar lagu muransan yahay inay dhimatay iyo inay nooshahay oo aan wali lakala caddayn in dhimashadeedu ay jirto.

QAABKII AY AL-SHABAAB KU QABSADEEN MAGAALADA

Waxay kasoo weerar tageen saddex jiho, waxay magaalada kasoo galeen dhinaca waddada Garbahaarey. Dhinaca buurta FIINA-GUBA iyo dhinaca kale ee Qansax Oomane ama haddii aad u taqaano dhinaca guryihii martida ee dowladdii hore ee Soomaaliya.

Intaysan magaalada qabsan Al-Shabaab waxay jareen isgaarsiintii telefannada ee magaalada ka howl-gali jirtay,  waayo shirkadaha teleefannadu waxay isticmaalaan anteeno arkaysa anteeno kale (Micro-wave) waxayna ka damiyeen anteennadii magaalada B/Xaawo iyo Soomaaliya inteeda kale xiriirinaysay oo ku taala inta u dhaxaysa Garabahaareey iyo B/Xaawo.

Waxay falkaas fuliyeen arroortii hore ee shalay saacaddu markay ahayd 09:00am waqtiga Soomaaliya.

KHASAARAHA AL-SHABAAB.

Al-Shabaab oo aan wararkeennii hore ku waraysanay xubin kamid ah oo lagu magacaabo Xasan C/llaahi Cali wuxuu noo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dagaalkaas. Laakiin dadka deegaanka oo arkayay markii ay kasii baxayeen Al-Shabaab magaalada waxay dadku sheegeen inay gaari saaranayeen askari mayd ah iyo mid dhaawac ah.

MAXAY AL-SHABAAB KA QAATEEN MAGAALADA?

Al-Shabaab markii ay magaalada ka bexeen waxay horay u wateen laba gaari oo  Laanguruusero ahaa (Land- cruseir) oo ku jiray Garaash (Garage).

Labada gaari mid waxaa iska lahaa nin lagu magacaabo Maxamed Dhafooreey oo Reer Siyaad ah midka kalena wiil Reer Ugaas Sharmaake. labadaas nin ee lahaa gawaaridaas waxay ka tirsanaayeen ama la shaqaynayeen ciidamada dowladda.

XAGGEE AADEEN CIIDAMADII MAGAALADA JOOGAY.

Magaalada B/Xaawo inay Al-Shabaab kusoo dhiirradaan inay dharaar cad soo weeraraan waa qorshe ay ogaayeen inuusan magaalada joogan ciidan saddex jiho isaga caabin kara.

Ciidamo lixaad leh oo magaalada ku sugnaa waxaa loo qaaday dhinaca deegaanka Geed-Weyne, waxaana magaalada looga tagay ciidan loogu talagalay inay ammaanka iyo kala dambeynta magaalada ilaaliyaan.

Ujeeddada ka dambeysa in ciidankaas la geeyo Geed-weyne waxaa weeye qorshe ay saraakiisha ciidamada hogaaminaysaa ay ku doonayaan inay gacanta ku dhigaan magaalooyinka Baar-Dheere iyo Buur-Dhuubo.

Saraakiishu waxay maskaxda ku hayeen in ciidan ka tirsan Al-Shabaab oo magaalada B/Xaawo soo weerara aysan suurtagal u ahayn inay sii haystaan wax ka badan 24 saac. Waayo waxaa magaalada B/Xaawo xuduud la wadaaga magaalada Mandheeraa oo ay ku sugan yihiin milatari badan oo Kenyan ah kuwaasoo heegan ugu jira inay culays ku yimaada magaalada ka caabiyaan.

Waana sababtii ay Al-Shabaab magaalada isaga huleeleen markii ay gacanta ku dhigeen iyagoo hasytay magaalada 3 saac.

UJEEDKA AL-SHABAAB.

Al-Shabaab inay weerar kusoo qaadaan magaalada B/Xaawo waxay ahayd fariin ka turjumaysa inay leeyihiin awood aan la inkiri karin oo muuqata oo ay ku abuuri karaan xasarad dagaal kuna weerari karaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Al-Shabaab waxay kusoo dagaal galeen shalay gawaari qoryo saaran yihiin, waxay taasi ku tusinaysaa in diyaaradaha ay leeyihiin Kenya aysan wax badan oo duqayn ah u gaysan tiknikada Al-Shabaab, diyaaraduhuna ay bartilmaameedsadaan shacabka oo kaliya markii ay howl-gallo ka fulinayaan goobaha ay Shabaab haystaan.

Sidoo kale waa dagaalkii shalay iyo kuwa la nooca ahaa ee ay ka fuliyaan gobolka Gedo waxay ka dhigan tahay inay awoodaan inay qaadi karaan dagaallo kudhufoo ka dhaqaaq ah.

AL-SHABAAB IYO SHACABKA.

Markii ay gacanta u gashay Al-Shabaab magaalada B/Xaawo waxay dadku ka cabsi qabeen in dad badan ay bartilmaameedsan doonaan, laakiin taasi ma dhicin oo waxaa la arkayay shacabkii degmada oo dhex maraya magaalada iyo Al-Shabaab oo waddooyinka taagtaanaa intii ay hasytee, mana jirin cid ay wax weydiinayeen.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
NAIROBI-KENYA.
mjfaarax@gmail.com

WARKAN WUXUU KHAAS U YAHAY WARSIDAHA TOOSIYE.COM HADDAAD KU ARAGTO MEEL KALE XUQUUQDA WARKAAN WAA MID FASAX LA’AAN LAGU DAABACAY.


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

KISMAAYO AARGADA Deg Deg: Dhagayso: Xiisad dagaal oo ka taagan Kismaayo iyo Goobweyn
- Apr 19, 2014
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in halkaas ...
RW SAWIRO+COD: RW C/Wali Sheekh oo sheegay inuu kusoo guulaystay qorshihii Kismaayo
- Apr 19, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed ayaa maanta dib       ...
Raiisul-wasaaraha-ciidanka-tababarka-Kismaayo-71-300x200 Deg Deg: A.Madoobe oo RW C/Wali ka diiday Wareejinta Dekadda iyo Airporka Kismaayo
- Apr 19, 2014
Xili wadahadalo mudo qaatay ay magaalada Kismaayo uga soconayeen RW Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ...
Garbo-Breaking-News1 Deg Deg: Dagaal xooggan oo haatan ka soconaya Magaalada Balcad iyo cida dagaalamaysa
- Apr 19, 2014
Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu hadda ...
Breaking-News Deg Deg: Dhagayso Duulaanka Baardheere oo cabsi galiyay Kismaayo iyo….
- Apr 19, 2014
Dhaqdhaqaaq la doonayo in lagu qabto degmada Baardheere deedna ay ciidamadu u gacansiiyaan ciidanka ...
Safiirka-Saudi-Arabia-oo-waraaqihii-aqoonmsiga-uu-ka-guddoomay-madaxweynaha-2 Madaxweynaha Somalia oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Saudi Arabia.
- Apr 19, 2014
Muqdisho, 19 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ...