Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Raila Odinga, “Dowladdu waa inay magdhow ka bixisii wixii ka dhacay Gaarisa”

GAARISA.            Raysal-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa shaagay in dowladda Kenya looga baahan yahay inay bixiso magdhow la siiyo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay rabshadihii ka dhacay magaalada Gaarisa.

Wuxuu Odinga amray in la bilaabo qorshe lagu baaryo dadkii shacabka ahaa ee hantidoodii ay burburiyeen ciidamada milatariga.

Raila isagoo shacabka kula hadlaya mid kamid ah waddooyinka waawayn ee magaalada Gaariso (Kismayo Roud) ayuu canbaareeyey dilkii iyo burburintii hantidii shacabka ee ay askarta milatarigu ka fuliyeen magaalada wuxuuna ku tilmaamay “NASIIB DARRO”.

Waxaa hadalladiisii kamid ahaa:-

“Askartu ma ahayn inay iska qaataan qof walba wuxuu ku amro, mana ahayn in saddex askari oo fal argagixiso lagu dilay jawaab looga dhigo in shacabka la dilo hantidoodana la baabi’iyo”.

Wuxuu kaloo ku daray:-

“Looma baahna in dadka hantida leh ay caawiyaan dadka dhiban, waa inay dowladdu iyadu xambaartaa masuuliyadda wixii halkaan ka dhacay”.

Wuxuu kaloo shacabka ka codsaday inay dowladda ay ka caawiyaan sidii looga hortagi lahaa xubnaha fulinaya falalka arxan-darrada ah.

Raila wuxuu kamid yahay xubnaha u tartamaya madaxtinnimada xilka madaxweynaha ee foodda nagu soo haysa.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.

Kismaayo DHAGAYSO:- Xiisad ka taagan kismaayo, iyo Sargaal Sheegay ” Ma dhamaan doonto xabbaddii billaabato ilaa aan Axmed Madoobe…
- Jun 18, 2013
Sida uu sheegay Sarkaal ku sugan halka ay xabaddu ka socoto, waxaa goordhow bilowday ...
ilyas-bareshiil DAAWO MUUQAALLO SIR AH:- ILYAAS BARRE SHIIL ” Axmed Madoobe waxaa hab qabiil ku taageeray Baarlamaanka Kenya, Fidnada Kismaayana waxaa wada Hawiye, Ogaadeen iyo………..
- Jun 18, 2013
Xildhibaan ayaa arrinta Jubooyinka si aan leexleexad laheyn ugu rogay mid qabiil, isagoona sheegay ...
4444 DAAWO SAWIRRO :- Farxiyo Kabayare oo farxaadda uurkeeda La Qaybsatay Bulshada Taageerada u ah
- Jun 18, 2013
Fannaanadda Farxiyo kabayare ayaa soo bandhigtay farxadda ah in ay uur leedahay ka gadaale ...
dab DAAWO MUUQAAL:- Dab Khasaaro ba’an gaysray oo xalay Baabi’iyay Suuqa wayn ee Garisa
- Jun 18, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla garissa iyadoo la ...
12 DAAWO AWIRRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay saraakiil Kenyan ah iyo hubkooda
- Jun 18, 2013
Ururka Al-Shabaab ee looga guuleystay awooda inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka ...
xil DAAWO MUUQAAL:- Xildhibaanno weeraray dowladda Somalia oo ku eedeeyay wax walbo oo ka socda Kismaayo
- Jun 18, 2013
Qaarkamid ah Xildhibaanada dawladda Soomaliya ayaa maanta warbaahinta lahadlay waxayna sheegeen Ina dawladda Soomaaliya ...