Qarax xooggan oo loo gaystay masaajid ku yaala xaafada Islii.
NAIROBI. Qarax xooggan ayaa ka dhacay mid kamid ah masaajidda ku yaala magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii.
Masaajidka Al-Hiddaaya ayaa qarax loo gaystay waxaana wararku tibaaxayaan in 8 qof oo dhimasho ah ay hadda yaalaan meel banaanka ka ah masaajidka
Al-Hiddaaya wuxuu ku yaala waddada 6-street gaar ahaan xaafadda Jaam-ka.
Saacaddu iminka waxay tilmaamaysaa 8:46 waqtiga magaalada Nairobi, waxaana masaajidka ka socotay khudbad caadi ah oo aan diini ku saabsanayn oo uu ka jeedinayay duqa degmada Kama-Kunji Yuusuf Xassan.
Gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta kusii socda iminka waxaana la xiray waddo kasta oo masaajidka soo gasha.
Warar dheeraad ah ayaan ku raad joognaa haka dheeraan warsidaha Toosiye.com
Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />


