Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qarax saaka ka dhacay magaalada Nairobi

NAIROBI.    Qarax ayaa ka dhacay magaalada Nairobi meel kamid ah xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Eastleight (ISLII) oo lagu magacaabo Section Three.

Qaraxaas wuxuu waxyeelo u gaystay saddex qof oo ku dhaawacmay, wuxuuna qaraxu ka dhacay goob shidaalka lagu gado agteeda.

Mutisya Mbithi oo 23 sano jir ah iyo Pter Munyoki 45 sano jira ayaa kamid ah dadka ku dhaawacay waxaana la geeyey isbitaalka Nairobi Hospital.

Ciidamada Ammaanka ayaa ku howlan baaritaan ay ka wadaan xaafadda Section Three oo uu qaraxu ka dhacay, ilaa iyo haatanna ma jirto cid losoo qobtay.

Waa qaraxii labaad oo ka dhaca Kenya gudeheeda toddobaad gudihiis iyadoo kii hore uu ka dhacay magaalada Gaarisa meel ay dadka Kirishtaanku wax ku caabudaan, wuxuu qaraxaas galaaftay nolosha askari waxaana ku dhaawacmay 14 qof oo shacab ay ku jiraan iyo ilma yar.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.

Kismaayo DHAGAYSO:- Xiisad ka taagan kismaayo, iyo Sargaal Sheegay ” Ma dhamaan doonto xabbaddii billaabato ilaa aan Axmed Madoobe…
- Jun 18, 2013
Sida uu sheegay Sarkaal ku sugan halka ay xabaddu ka socoto, waxaa goordhow bilowday ...
ilyas-bareshiil DAAWO MUUQAALLO SIR AH:- ILYAAS BARRE SHIIL ” Axmed Madoobe waxaa hab qabiil ku taageeray Baarlamaanka Kenya, Fidnada Kismaayana waxaa wada Hawiye, Ogaadeen iyo………..
- Jun 18, 2013
Xildhibaan ayaa arrinta Jubooyinka si aan leexleexad laheyn ugu rogay mid qabiil, isagoona sheegay ...
4444 DAAWO SAWIRRO :- Farxiyo Kabayare oo farxaadda uurkeeda La Qaybsatay Bulshada Taageerada u ah
- Jun 18, 2013
Fannaanadda Farxiyo kabayare ayaa soo bandhigtay farxadda ah in ay uur leedahay ka gadaale ...
dab DAAWO MUUQAAL:- Dab Khasaaro ba’an gaysray oo xalay Baabi’iyay Suuqa wayn ee Garisa
- Jun 18, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla garissa iyadoo la ...
12 DAAWO AWIRRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay saraakiil Kenyan ah iyo hubkooda
- Jun 18, 2013
Ururka Al-Shabaab ee looga guuleystay awooda inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka ...
xil DAAWO MUUQAAL:- Xildhibaanno weeraray dowladda Somalia oo ku eedeeyay wax walbo oo ka socda Kismaayo
- Jun 18, 2013
Qaarkamid ah Xildhibaanada dawladda Soomaliya ayaa maanta warbaahinta lahadlay waxayna sheegeen Ina dawladda Soomaaliya ...