Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qarax ka dhacay xaafadda Islii iyo qofkii ka dabeeyay oo la qabtay

NAIROBI.          Qarax ay ku dhaawacmeen 5 qof ayaa caawa ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, qaraxaas oo ka dhacay dukaan (Supermarket) gudihiisa.

Waxaa loo qabtay nin la tuhunsan yahay inuu qaraxaas ka dambeeyey oo ah Kenyan, siday sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ninka qaraxaas gaystay wuxuu kamid ahaa dadkii goobta ku dhaawacmay, qof goobjooge ah ayaa booliska oo goobta yimid u sheegay in qaraxu dhacay markii ninkaas uu gudaha u galay dukaanka.

Waxaa kaloo jira laba nin oo kale oo lagu raad joogo kuwaasoo dukaanka bannaankiisa ku sugayay midkan dhaawacmay.

Afhayeenka booliska magaalada Nairobi Moses Ombati oo goobta yimid ayaa tilmaamay inay gacanta ku hayaan ninkii lagu eedeeyey falkaas.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray ninka la qabtay inuu waxyaabo kaloo badan u sheegay booliska, hase ahaatee hadalkaas uu daboolay af-hayeenku ayay u egtahay inuu eedeysanuhu sheegay raggii lasoo howl galay.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
TOOSIYE NEWS NAIROBI.

Kismaayo DHAGAYSO:- Xiisad ka taagan kismaayo, iyo Sargaal Sheegay ” Ma dhamaan doonto xabbaddii billaabato ilaa aan Axmed Madoobe…
- Jun 18, 2013
Sida uu sheegay Sarkaal ku sugan halka ay xabaddu ka socoto, waxaa goordhow bilowday ...
ilyas-bareshiil DAAWO MUUQAALLO SIR AH:- ILYAAS BARRE SHIIL ” Axmed Madoobe waxaa hab qabiil ku taageeray Baarlamaanka Kenya, Fidnada Kismaayana waxaa wada Hawiye, Ogaadeen iyo………..
- Jun 18, 2013
Xildhibaan ayaa arrinta Jubooyinka si aan leexleexad laheyn ugu rogay mid qabiil, isagoona sheegay ...
4444 DAAWO SAWIRRO :- Farxiyo Kabayare oo farxaadda uurkeeda La Qaybsatay Bulshada Taageerada u ah
- Jun 18, 2013
Fannaanadda Farxiyo kabayare ayaa soo bandhigtay farxadda ah in ay uur leedahay ka gadaale ...
dab DAAWO MUUQAAL:- Dab Khasaaro ba’an gaysray oo xalay Baabi’iyay Suuqa wayn ee Garisa
- Jun 18, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla garissa iyadoo la ...
12 DAAWO AWIRRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay saraakiil Kenyan ah iyo hubkooda
- Jun 18, 2013
Ururka Al-Shabaab ee looga guuleystay awooda inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka ...
xil DAAWO MUUQAAL:- Xildhibaanno weeraray dowladda Somalia oo ku eedeeyay wax walbo oo ka socda Kismaayo
- Jun 18, 2013
Qaarkamid ah Xildhibaanada dawladda Soomaliya ayaa maanta warbaahinta lahadlay waxayna sheegeen Ina dawladda Soomaaliya ...