Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Oday dhaqameed si xun loogu dilay Ceel buur


Wararka aan ka heleyno degmada Ceel buur oo gobolka Galgaduud wax ay sheegayaan in halkaasi  lagu arkay meydka mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo si weyn looga yaqaan degmada.

Waxaa faah faahinno kala duwan ay ka soo baxayaan dilka oday dhaqameydkan kaasoo saaka waaberigii lagu arkay gudaha  degmada waxaana la tilmaamayaa in qaarka sare ee jirkiisa rasaas kaga taalay  waxaana la tilmamayaa  in sidoo kale marxuumka laga jaray faraha ku yaala gacmaha.

Waxaa waraku sheegayaa in odaygaasi loola dhaqmay si bini’aadannimada ka baxsan maadaama aan toogasho oo kaliya aan loogu simin baslse jar-jarid loogu daray  dabadeena la iska soo dhigay gudaha degmada Ceel-buur .

Dad ku sugan  gudaha magaalada ayaa toosiye.com u xaqiijiyay in dilka oday dhaqameydkan ay ka dambeyeen dhalinyaro ku hubeysan bastoolada kuwaasoo gurigiisa kala baxay  kadib markii ay dileenna meydkiisa ay soo dhigeen bartamaha magaalada .

Warark la xiriira dilka odaygan ayaa tilmaaya inuu ka dambeeyay dilkiisa kadib  markii la arkay sida uu u tageersan yahay ururka Ahlu-sunna wal jameeca.

Waxaa saarkiisha Ahlu suna ee gobolka Galgaduud ay shaaciyeen in dilkaas  ka dmbeeyeen ururka al-Shabab isla markaasna ay baaritaan ku hayaan sababa keenay dilka iyo waxyaabaha u sahlay dilkiisa.

Xafiisla wararka Muqdisho
www.toosiye.com
toosiyenews@gmail.com 


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Aadan-Madoobe Dhagayso: Aadan Madoobe oo Barre Hiiraale ku gacan siinaya qabashada Kismaayo
- Apr 20, 2014
Aadan Madoobe oo sheegay inuu yahay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka ...
Breaking-News Deg Deg: Dhagayso Qarax xoogan oo ka dhacay Gedo, iyo Duulaan Goordhow bilowday
- Apr 20, 2014
Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya Ciidamadda dawladda Soomaaliya ...
General Fartaag Dhagayso: Gen. Fartaag oo Difaacii ka baxay weerar xoogana ku qaaday Maamulka…
- Apr 20, 2014
Xili waayadan uusan saxaafada kasoo muuqan kuxigeenka Axmed Madoobe, Gen Fartaag ayaa waxaa uu ...
Breaking-News Faah Faahin: Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Guriceel
- Apr 20, 2014
Diyaarad Qaad siday oo saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka ...
barre_hiiraale Deg Deg: Dhagayso Barre Hiiraale oo ujawaabay IGAD, “A.Madoobe iyo Afey waa isku beel”
- Apr 19, 2014
Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal kasoo ...
Garbo-Breaking-News1 Deg Deg: Dhagayso: RW C/Wali oo amray in Barre iyo ciidamadiisa isa soo dhiibaan
- Apr 19, 2014
Raisul wasaaraha Soomaaliya Pro Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo magaalada Kismaayo ku ...