Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Xassan muxuu uga baaqday safarkii Kenya? (faallo)

MUQDISHO.         Madaxweynaha Soomaaliya oo safarro ku kala tagay waddamada Jibouti iyo Ethiopia ayaa qorshihiisu wuxuu ahaa inuu muddo usbuuc ah kusoo maro waddamadaas iyo wadanka Kenya.

Qorshahaas oo isbedelay markii madaxweynaha Soomaaliya oo Adis ku sugnaa uu mar qura kusoo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

26-kii November bishii tagtay, waxaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jibouti, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweynaha martida loo yahay ee Ismaaciil Cumar Geele.

Sidoo kale madaxweyne Xasan oo safarkaas ku weheliya wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/Kariim Xaaji Fiqi ayaa Jibouti ku sugnaa laba maalmood.

Maalintii saddexaad ee safarkii madaxweyne Xassan wuxuu ka dagay Adis-Ababa caasimadda dalka Ethiopia, halkaas waxaa kusoo dhaweeyey raysalw-wasaaraha Ethiopia iyo madax kale.

Inkastoo safarka madaxweynaha uu ahaa mid qorshaysan uuna ku tagi lahaa Jibouti, Ethiopia iyo Kenya haddana lama oga sababihii uu ku iman waayay dalka Kenya.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya ahna raysal-wasaare kuxigeenka Fowsiya Xaaji Aadan ayaa soo gaartay caasimadda Kenya ee Nairobi intii uu madaxweynuhu kusugnaa Jibouti, laakiin markii uu madaxweynuhu soo gaaray Adis, Fowsiya waxaa u dhamaaday safarkii ay ku joogtay Nairobi, waxayna markiiba u duushay madaxweynaha halkuu kusugnaa oo ahay Adis Ababa kalana qayb gashay shirar uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda xukuumadda Ethiopia.

Markii uu safarkii Ethiopia iyo u dhamaaday madaxweynaha iyo wafidigiisii waxay u weecdeen Muqdisho, is weydii madaxweynaha ma waxaa loo sheegay inaan waqti loo hayn oo farriin ayaa loosoo faray wasiirka arrimaha dibadda oo ugu tagtay Ethiopia?

Ma jirin xaalad culus oo waddanka kasoo korortay oo uu madaxweynuhu ugu baaqdo safarkii uu ku imaan lahaa Nairobi. Sababaha uu ku baaqday miyay isla xiriiraan siyaasadda is-fahmi waaga ah ee ka taagan Jubbooyinka?

Isku soo duuboo waxaa soo shaac baxaysa in madaxweyne Xassan iyo Kenya uu soo kala dhex-galay madmadow.

Maxamed  Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.
mjfaarax@gmail.com 


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

GEDO Dhagayso: Beesha Sadde oo Shirweyne ku qabanaysa Magaalada Garbaharey ee G. Gedo
- Apr 19, 2014
Shir looga hadlayo aayaha gobalka Gedo ayaa ka furmay magaalo madaxda gobalkaasi ee Garbahaareey ...
13 SAWIRO: Farmaajo oo ka qeyb galay Xaflad ka dhacday USA & Somali oo wacdaro dhigtay
- Apr 19, 2014
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, ...
C.wali-sheekh-iyo-Barre-hiiraale Dhagayso Barre Hiiraale oo gaashaanka ku dhuftay heshiiska Kismaayo, RW-na Eedeeyay
- Apr 18, 2014
Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) oo wareeysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta VOA ...
Breaking-News Deg Deg: Barre Hiiraale oo diiday inuu gudaha usoo gallo Magaalada Kismaayo
- Apr 18, 2014
Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo hore laba mar wasiir uga soo noqday xukumadahii KMG ...
C.wali-sheekh-iyo-Barre-hiiraale RW C/Wali oo Wadahadal Hordhac ah la yeeshay Barre Hiiraale iyo Qodobadii kasoo baxay..
- Apr 18, 2014
Ilo-wareedyo hoose oo ay xaqiijiyeen odayaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul ...
6 J SAWIRO: Shirkii dib uheshiisiinta oo Kismaayo kusoo dhamaaday iyo Xaflad dhacday
- Apr 18, 2014
R/Wasaraha Dalka ayaa maanta soo Afmeeray Wadahadaladii uu u yimid magaalada Kismaayo xaflad balaran ...