Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib  safar uu maalmahaan Madaxweynuhu ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga halkaas oo uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii uu soo Garay garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya sida Gudoomiyah Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale .

Madaxweynaha oo kadib imaantinkiisa shir jaraa’id uu qabtay la hadlay Saxaafdda waxa uu sheegay in Turkiga uu u tagay casuumaad uu ka hely dhigiisa dalkaasi waxana uu sheegay in kulamo badan oo madaxda dalkaasi uu la qaatay  kadib la isla afgartay in Turkiga uu sii wado dadaalka uu ugu jiro dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo caawinta walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa uu sidoo ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay Kenya isagoo tilmaamay inuu ka xunyahay qaraxaasi uuna u tacsiyeynayo madaxda dalkaasi iyo helada dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Wuxuu sheegay in sababta Kenya loo qarxinayo ay tahay maxaad u taageereysaan dowldad Soomaaliya sida u tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheikh .

Waxaa uu tilmaamay wada shaqeynta labada dowladood uu yahay mid sii socondoono isla markaasina ay iska kaashan doonan laba dal sifeynta Shabaab Soomaaliya ka dagaalama .

Xafiiska wararka Muqdisho

www.toosiye.com


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

dagaal Deg Deg: Dhagayso ciidamada Huwanta oo kusii jeeda Baardheere iyo Kaliil oo ka hadlay
- Apr 17, 2014
Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa duulaan dagaaleed ku ah magaalada Baardheere oo ...
KISMAAYO AARGADA Dhagayso: Warar Cusub oo laga helayo cida ka danbeysa dilalka Kismaayo
- Apr 17, 2014
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada  hoose ayaa waxaa kusii badanaya weerarada lagu dilayo dad ...
MADAXWAYNE-INDHOSHEEL Dhagayso: BBC oo Waraysatay Madaxweynaha Khaatumo iyo waxii ka dhacay Taleex
- Apr 17, 2014
Madaxwaynaha Maamulka khaatumo Maxamed yuusuf Jaamac (Indhosheel) ayaa Waraysi Siiyey Idaacada BBC- wuxuu uga ...
breaking news red Deg Deg: Qaraxyo waa weyn oo Goordhow lala beegsaday ciidamada Amisom
- Apr 17, 2014
War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in qaraxyo seddax ay ka dhaceen xaafadda Ruusiya ...
kulanka-golaha-wasiirada-150x150 Dhagayso: Golaha Wasiirada oo Falanqeeyay Socdaalka RW ee Kismaayo iyo qodobo kale
- Apr 17, 2014
Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir ...
515 Dhagayso: C/Qeybdiid iyo Gaas oo ku heshiiyay Gaalkacyo “TopNews”
- Apr 17, 2014
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug madaxweynayaasha maamulada Puntland ...