Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Adis-Ababa

ADIS-ABABA. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dagay garoonka Adis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyey raysalwasaaraha dalkaas Hailemariam Desalegn iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Ethiopia.
Waa safarkii ugu horeeyey oo madaxweyne Xasan uu ku tago dalka Ethiopia ilaa markii la doortay 10 September.
Labada mas’uul waxay ka wada xaajoonayaan sida la tilmaamay iskaashiga labada dal, dhinacyada ammaanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa cadowga labada dowladood.
Madaxweynaha iyo wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Fiqi oo socodkaas ku weheliya madaxweynaha ayaa loo dhaadhiciyay madaxtooyada Adis-Ababa halkaasoo ay joogi doonaan ilaa iyo waqti aan la shaacin inta uu le’eg yahay.
Waa lugtii labaad ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku tago safarkiisa uu ku marayo waddamada Ethiopia, Kenya iyo Jibouti oo uu kasoo duulay saaka.
Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />





