Maamulka Dhuusamareeb oo saddex wasaaradood codsi u diray (Dhagayso)

DHUUSAMAREEB. Maamulka degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xukuumadda raysalwasaare Saacid ka codsaday inay taakulo uga baahan yihiin saddex wasaaradood oo kala ah wasaaradda aminga qaranka iyo arrimaha gudah, wasaradda caafimaadka iyo wasaaradda waxbarashada.
Guddoomiye kuxigeen degmada Dhuusa-Mareeb ahna madaxa arrimaha bulshada ee Ahlu-Sunna C/Raxamaan C/Nuur Barre ayaa ka codsaday inay wasaaradahaas ka codsanayaan waxqabad iyo taakulo.
C/Nuur wuxuu xusay in dhinaca caafimaadku uu aad u liito wuxuu kaloo tilmaamay in waxbarashada gobolku ay aad u hoosayso oo aan jaamac lahayn.
Halkaan ka dhagayso codsiga C/Raxmaan C/Nuur
haddalladiisa waxaa kamid ah “Annaga waxaa noogu baahi badan caafimaadkaa kamid ah, dhirta iyo daaqaa kamid ah”.
Xukuumadda cusub iyo dowladda ayaa u muuqda in ay xoogga saarayaan dhinacyada ammaanka iyo ladagaalanka Al-Shabaab waxaana muuqda baahiyo badan oo u baahan wax kaqabasho deg deg ah.
XAFIISKA WARARKA TOOSIYE EE MUQDISHO
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />





