Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maamulka Baladweyne oo ganacsatada ku wargaliyay inay si xor ah u ganacsadaan (Dhagayso)

BALAD-WEYNE Duqa degmada magaalada Balad-weyne Maxamed Xasan Jurus ayaa ganacsatada magaalada u sheegay inay ganacsigoo si xor ah uga shaqaysan karaan ammaankooda la sugayo.

Halkaas ayaa yimid markii saraakiisha ammaanka iyo degmada ay ka wada hadleen qaabkii magaalada ammaankeeda loo sugi lahaa.

Duqa degmada ayaa warfidiyeennada u sheegay in goobo markii hore xirnaa dib loo furi doono hadda, wuxuu kaloo intaas ku daray in ganacsatadu ay goobaha shaqo ee ay leeyihiin xiri karaan furina karaan waqtigay doonaan.

Halkaan kad hagayso hadalka duqa degmada B/Weyne.

Wuxuu kaloo tilmaamay inay ammaanka sugi doonaan ciidamo isku dhaf ah oo kala ah ciidamada dowladda, kuwa Jibouti iyo ciidamo Ethiopian ah oo dhammaantood ku wada sugan magaalada.

Magaalada ayaa waqtiga habeenkii ah la xiraa meheradaha waxaana jirta qayb badan oo dadku aysan furi karin haddii uu aasku madoobaado cabsi jirta awgeed.

Laakiin ballan qaadka iyo ogaysiinta kasoo yeertay maamulka magaalada ayaa wax badan ka baddali doona wajigii ay magaaladu lahayd.

XAFIISKA WARARKA EE MUQDISHO.


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

GEDO Dhagayso: Beesha Sadde oo Shirweyne ku qabanaysa Magaalada Garbaharey ee G. Gedo
- Apr 19, 2014
Shir looga hadlayo aayaha gobalka Gedo ayaa ka furmay magaalo madaxda gobalkaasi ee Garbahaareey ...
13 SAWIRO: Farmaajo oo ka qeyb galay Xaflad ka dhacday USA & Somali oo wacdaro dhigtay
- Apr 19, 2014
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, ...
C.wali-sheekh-iyo-Barre-hiiraale Dhagayso Barre Hiiraale oo gaashaanka ku dhuftay heshiiska Kismaayo, RW-na Eedeeyay
- Apr 18, 2014
Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) oo wareeysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta VOA ...
Breaking-News Deg Deg: Barre Hiiraale oo diiday inuu gudaha usoo gallo Magaalada Kismaayo
- Apr 18, 2014
Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo hore laba mar wasiir uga soo noqday xukumadahii KMG ...
C.wali-sheekh-iyo-Barre-hiiraale RW C/Wali oo Wadahadal Hordhac ah la yeeshay Barre Hiiraale iyo Qodobadii kasoo baxay..
- Apr 18, 2014
Ilo-wareedyo hoose oo ay xaqiijiyeen odayaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul ...
6 J SAWIRO: Shirkii dib uheshiisiinta oo Kismaayo kusoo dhamaaday iyo Xaflad dhacday
- Apr 18, 2014
R/Wasaraha Dalka ayaa maanta soo Afmeeray Wadahadaladii uu u yimid magaalada Kismaayo xaflad balaran ...