Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Lammaane isguursaday 90 sano kahor oo nasiib u helay inay hadda sawir iska qaadaan (sawirro)

NANCHONG.           Laba lammaane oo da’ ah ayaa ugu dambeyntii waxay ku guulaysteen inay sawirro iska qaadaan iyagoo da’doodu sii caga-cagaynayso, 101 sano oo uu jiro Wu Conghan iyo xaaskiisa Wu Sognshi oo 103 sano jir ah.

Labadaas lammaane waxay is-guursadeen 1924-kii, waxayna wada noolaayeen muddo gaaraysa 90 sano ah, waqtigii ay isguursanayeen dalka China lagama isticmaali jirin wax sawir ah, laakiin  markii dambe waxaa run noqotay riyadoodii oo ahayd inay sawirro iska qaadaan iyagoo xusaya guurkoodii oo kasoo wareegatay hal-qarni oo 10 sano dhiman.

Waxaa riyadooda u rumeeyey markii tuulada ay daggan yihiin uu soo booqday nin sawir qaade ah, waxayna daggan yihiin tuulo lagu magacaabo Nanchong, oo ka tirsan gobolka Sichuan.

Ninka sawir qaadaha ee riyadooda u rumeeyay wuxuu ku caawiyay inuu u sameeyo buug sawirro ah.

Lammaanayaasha is qaba waxay nasiib u yeesheen inay guurkooda ku xusaan xaflad dhaqankooda ah oo sanadkiiba mar la qabto, markii sawirrada laga qaaday waxay labisnaayeen dharka arooska.

Markii dambe waxaa sawirradii laga tusay intaan loosoo caddayn computer laptiop ah.

SOURCE: DAILY MAIL.
TURJUMADDII. Maxamed Jaamac Faarax-Barre.

2 Talyaaniga oo dadka galaya dalkiisa kaga shakisan Alshabaab
- Jul 5, 2014
Madaxa Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa maalintii Khamiista ahayd ka digay in wuxuu ugu ...
11 Alshabaab oo looga baqayo dalka Uganda, iyo Mareykanka oo….
- Jul 5, 2014
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka guud ahaan Garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka ...
Kenya oo sheegtay in dad badan ay ka barakacayaan deegaanadii Alshabaab ay weerareen
- Jun 28, 2014
Boqolaal qoys ayaa ka cararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo ...
Annadif oo war kasoo saaray ciidamada AMISOM ee islaamka ah
- Jun 28, 2014
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa ...
2 Alshabaab oo arin layaableh ka sameeyay Buulo-burde
- Jun 26, 2014
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux ...
1 AMISOM oo arin dhici karta ka hadashay
- Jun 26, 2014
Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay ...