Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kismaayo oo isku baddashay xaafadda Islii oo kale.

KISMAAYO.          Ciidamo Kenyan ah oo shalay marayay gudaha magaalada Kismaayo ayaa lagu riday xabad, waxayna ku dhacday mid kamid ah gawaaridii kolonyada ahaa ee waddada marayay.

Wuxuu falkaasi ka dhacay halka lagu magacaabo Dalacaadda ama Laanta-Ganacsiga oo ku taala duleedka dhinaca koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Gawaaridii socotay ayaa istaagay waxayna dadkii goobta ku sugnaa oo ahaa xamaali ka shaqaysta dhuxusha iyo shacab kale oo laamiga marayay xabadka dhulka u dhigeen baaris kadibna waxay ka waayeen wax raad ah oo lagu tuhmi karo inay dadkaas xabbadda soo rideen.

Kadib waxay dadkii ay qabteen ku bilaabeen haraanti iyo inay qoriga baadkiisa ku garaacaan muddo 20 daqiiqo ah.

Markii ciidamadu ay falkaas gaysteen ayay socodkoodii sii wateen waxayna goobtii uga tageen dadkii oo la taahaya jirdil xun oo loo gaystay.

Qaar kamid ah waxaa soo gaaray dhaawacyo kasoo gaaray feeraha oo ka sheeganaya inaysan neefsan karin.

Dadka reer Kismaayo ayay ummuurtaasi layaab ku noqotay dadka qaarkiina waxay ku tilmaameen inay joogaan xaafada Islii ee Nairobi oo Soomaalida ku sugan loola dhaqmo markii fal noocaas iyo wax u eg ay dhacaan.

C/KARIIM CABDI.
Wariyaha toosiye.com/Kismaayo.
toosiyenews@gmail.com
Warka sidaan u qoran waxaa iska leh warsidaha toosiye.com, haddaad ku aragto meel kale waxaa laga soo qaatay wargayska toosiye.com


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Aadan-Madoobe Dhagayso: Aadan Madoobe oo Barre Hiiraale ku gacan siinaya qabashada Kismaayo
- Apr 20, 2014
Aadan Madoobe oo sheegay inuu yahay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka ...
Breaking-News Deg Deg: Dhagayso Qarax xoogan oo ka dhacay Gedo, iyo Duulaan Goordhow bilowday
- Apr 20, 2014
Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya Ciidamadda dawladda Soomaaliya ...
General Fartaag Dhagayso: Gen. Fartaag oo Difaacii ka baxay weerar xoogana ku qaaday Maamulka…
- Apr 20, 2014
Xili waayadan uusan saxaafada kasoo muuqan kuxigeenka Axmed Madoobe, Gen Fartaag ayaa waxaa uu ...
Breaking-News Faah Faahin: Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Guriceel
- Apr 20, 2014
Diyaarad Qaad siday oo saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka ...
barre_hiiraale Deg Deg: Dhagayso Barre Hiiraale oo ujawaabay IGAD, “A.Madoobe iyo Afey waa isku beel”
- Apr 19, 2014
Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal kasoo ...
Garbo-Breaking-News1 Deg Deg: Dhagayso: RW C/Wali oo amray in Barre iyo ciidamadiisa isa soo dhiibaan
- Apr 19, 2014
Raisul wasaaraha Soomaaliya Pro Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo magaalada Kismaayo ku ...