Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kenya Kismaayo Ma Qabatay Mise Way Qabsatay(Faalo)


FAALLO.  
   Magaalada kismaayo oo ah xudunta gobolada jubooyinka waa magaalo tan iyo markii uu bur burka  ka dhacay dalka ee isaga kala danbeeyeen gacano aad u fara badan oo aan si sahal isugu wareejin mid waliba marka uu maalmo ka taliyo waxa uu la kulmiyay mawjado dagaalo oo laga soo abaabulayay dalalka deriskeena ah asala ahaan dadka degan magaalada kismaayo waa dad il baxa ku ah  isbadalada waxa ayna had waliba ay taageeran oo ay la shaqeeyaan midki ku gacan sareeya oo reerka ku soo hara

Markase la tilmaamo muran siyaasadeed iyo xukun maroorsiga  gobolada jubooyinka waxaa uu salku ku haya waxa la oran karaa ma ahan mid kaliita ismaan dhaafka bariga dhexe waayo gobolada waxaa ku wada nool in ku dhow 40 qabiil oo isugu jira kuwa asal ahaan xuduntooda ay ku duugan tahay iyo kuwa ugu darmay siyaabo kala duwan kuna kala danbeeyay soo degi taankooda.

Tan iyo dowladii kacaanka siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba waxaa miraayada ka muqanayay waxay ahaayeen beelihii dul dagay beelihii dagnaa jubooyinka

Tan labaad gobolada jubooyinka waa gobolo wada kulansaday qayraadka dabiiciga oo aan lahayn gobolada kale sida Bada Wabiga Dhul beereed Dhul daaqsin Xoolo nool iyo waliba ganacsi aad u xoog badan waana qayb ka mid ah sababta keenaysa in qabsashadooda loo soo jabhadeeyo

Tan sedaxaad waa dhul ku fiican xaga istaraatiijiyada dagaalada kooxihii loogu awood roonaado ayaan maamulo waxay awood u helayaan inay si fudud ugu talaabaan xuduuda uguna nabad galaan cadowgooda

Tan afaraad waa tan ugu daran oo ah saamaynta dagaalada jubooyinka ay ku leeyihiin dalalka itoobiya iyo kenya oo hadba jabhad ku soo dhiiri gelinaya inay qabsadaan jubooyika  ayagoo ujeedadoodu tahay in aanay gobolada ku beermin  jabhado mucaarad ku ah oo wax yeelo u geysta dalalkooda sanadihii u danbeeyay waxay jubooyinka ka mid ahaayeen gobolada ay maamulayeen xarakada al shabaab ma jirin wax muran ah oo ka imanayay maamuladooda xata oday dhaqameeyadu waxay ahaayeen kuwa xeeladahodoa kula xoogsanayay xeerarka ka jira labada gobol hase yeeshe markay bilaawday dowlada kenya qorsheheeda ku aadan xoreynta jubooyinka ayaa la maqlay shux shuxda iyo is garbinta qabaa’ilada ku aadan maamulka loo dhisi doono jubooyinka waayo ma ahayn howl ay isla fahansanaayen soo feregelinteeda arimaha jubooyinka dowladihi soomoaliya ka jiray iyo dowlada kenya haba kala tabar yaraadaane balse halka arin ay isla fahansanayeen aya waxay ahayd in xarakada al shabaab oo ay labada dowladood u arkayeen in amaankooda halis ku yihiin in meesha laga saaro.

Hase yeeshe la tashi la’aanta dowlada kenya iyo dhismaha maamul goboleedka Azaaniya jubooyinka oo sii xoogeystay ayaa waxa uu xiligaa sababay in uu mad madow soo dhex galo siyaasadaha soomaaliya iyo kenya waxaana tiro xildhibaano ah oo aad u jir diidana dhaq dhaqaaqa madaxda kenya ay wadaan barlamaanka xiliga ay keeneen mooshin ka dhan ah heshiis afgarad lagu macneeyey oo ay xukumadii cumar cabdirashiid la saxiixatay dowlada kenya kaa soo salka ku hayay xuduud badeedka labada dal dood dheer ka dibna baarlamaanka waxuu isku raacay in heshiiskaasi waxba kama jiraan laga dhigo dowlada kenya oo mar waliba ka go’nayd inay mar un xididada u siibto awooda al shabaab jubooyinka si ay u yaraato qataraha kaga imaanayay marna dhag jalaq uma siin doodaha ka dhanka ah ee ka socda gudaha soomaliya waxayna mudo ka dib si daxadar ah leh taariiqda markii ugu horeysay xuduudooda ka soo talaabeen xudooda  ayagoo garabsanaya jabhada raaskambooyi uu hogaaminayo Sheekh Ahmed Madboobe oo ah sarkaal horey ugu tirsanaa xarakooyinka islaamiga ee ka dagaalamayay gudaha soomaliya iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan dowlada soomaliya oo in mudo ah loo carbinayay howl galka jubooyinka hase yeeshe soo gelitaanka ciidamada kenya gudaha soomaliya waxa uu abuuray mar kale muran siyaasadeed heer madaxeed ah iyo weliba mid hoose oo ay ku kala qaybsameen madaxda dowladihi soomalaiya ee xiligaasi

Balse beesha caalamka oo u aragtay arinkan inuu xad gudub ku yahay xeerarka caalamiga ah ee dowladaha deriska ah dowlada kenya ku taageersan ka hor taga halisteeda amaankeda waxa ayna xaalkii ku xaliyeen in ciidamad kenya lagu daro howl galka maletari ee ka soconaya somaaliya aakhirkiina soo gur guurasho dheer ka dib ciidamada kenya iyo jabhadihi la socdayba waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada kismaayo

Ma jirin siyaasad mideysan oo salka mugii ah oo ku aadan aayaha jubooyinka hadii al shabaab laga saaro waxa laga yeelayo waxaase madaxda kenya mar kale qarsan waayeen colaadi ay u hayeen dowaldi kumeel gaarka ahayd ka dib markii wafdi ka socda dowlada kenya oo markii ugu horeysay booqasho ku yimi muqdisho si uu kulan ula qaato madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor ku guuleystay doorashadi ka dhacda dalka soomaaliya balse nasiib daro inta uu socday kulnkaasi waxaa lagu baraarugay qaraxyo ismiidaamin ah ku waaso qal qal geliyay kulamadi labada dhinac qaraxyadan oo ay sheegteen al shabaab ayaa dad badani fajac ku noqotay ka dib wasiir arimo dibadeedka kenya oo wafdiga hogaminayay laga soo wariyay inu falka ka danbeeyay madaxweynihi hore ee somaliya Mudane Sheik shariif sheik ahmed .

Mar kii lays dhaafsaday hadalo diplomaasiyadeed oo jawaab celin iyo beenin ah lama oga in lagu kala dawooway iyo in kale balse xiisada kismaayo labadii todobaad ee u danbeysay ayaa ahayd xarig lama sitaan waayo meel waxaa ka socday muranka waxa laga yelayo dhuxul aad u fara badan oo halkaa daadsanayd in kastoo qaramada midoobay iyo dowlada somaliya ay ka soo saaren go’aano hadan ma fulin oo waxa la soo warinaya in dalwada kenya iyo maamulka sheekh ahmed madoobe ay dhagaha ka furaysteen meel kalana waxa lagu karinayay sidii maamul mideysan loogu samayn lahaa gobolada jubooyinka.

Balse si loo sahmiyo xaalada kismaayo dowlada soomaaliya ay u muujiso saamaynteeda gobolada waxa ay marki ugu horeysay wafdi saraakiil ciidan u badan oo hogaaminayay wasiirki hore ee gaashaandhiga waa la soo dhaweeyay waana la soo sogootiyay balse xaalka waxa uu xumaaday markii mar kale loo diray gudi maamul u samayn ah oo u madaxweynaha magacaabay halkaasi oo ay kala soo kulmeen weji gabax iyo in maamulka sheekh ahmed madoobe iminka aan diyaar u ahayn in ay kulan la qaataan.

Sidoo kale  ma ahayn go’aan ka lagu soo eryay gudiga mid gaar u ah madaxda raaskambooni ee waa mid ay la wadaageen dowlada kenya oo awalba shaki badan laga qabay howlgalkeeda malateri ee ku aadan gudaha soomaliya ugu danbeyntii hada lama joogo maalmihi kumeel gaarka waxaan dooranay dowlada awood siyaasadeed leh oo la xisaab tami karta deriskeeda iyo caalamkaba siyaasada ka socota kismaayo ma ahan mid sahlan laga war wareegi karayo sidaa daraateed waxaa madaxdeena loogu fadhiyaa jawaabta ay ka bixin lahaayeen su aasha ah KISMAAYO MALA QABTAY MISE WAALA QABSADAY?

Waxaa diyaariyay 
C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

GEDO Dhagayso: Beesha Sadde oo Shirweyne ku qabanaysa Magaalada Garbaharey ee G. Gedo
- Apr 19, 2014
Shir looga hadlayo aayaha gobalka Gedo ayaa ka furmay magaalo madaxda gobalkaasi ee Garbahaareey ...
13 SAWIRO: Farmaajo oo ka qeyb galay Xaflad ka dhacday USA & Somali oo wacdaro dhigtay
- Apr 19, 2014
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, ...
C.wali-sheekh-iyo-Barre-hiiraale Dhagayso Barre Hiiraale oo gaashaanka ku dhuftay heshiiska Kismaayo, RW-na Eedeeyay
- Apr 18, 2014
Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) oo wareeysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta VOA ...
Breaking-News Deg Deg: Barre Hiiraale oo diiday inuu gudaha usoo gallo Magaalada Kismaayo
- Apr 18, 2014
Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo hore laba mar wasiir uga soo noqday xukumadahii KMG ...
C.wali-sheekh-iyo-Barre-hiiraale RW C/Wali oo Wadahadal Hordhac ah la yeeshay Barre Hiiraale iyo Qodobadii kasoo baxay..
- Apr 18, 2014
Ilo-wareedyo hoose oo ay xaqiijiyeen odayaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul ...
6 J SAWIRO: Shirkii dib uheshiisiinta oo Kismaayo kusoo dhamaaday iyo Xaflad dhacday
- Apr 18, 2014
R/Wasaraha Dalka ayaa maanta soo Afmeeray Wadahadaladii uu u yimid magaalada Kismaayo xaflad balaran ...