Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Haweeney dib xuriyadeeda u heshay ka dib xarig ay Shabaabka Jowhar u geysteen

Ciidamada ururka Al-shabaab ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi waxaa xalay gurigeeda kala bexeen qof haweeney ah taasi oo maanta dib u heshay xuriyadeeda kadib saacado ay ku jirtay gacanta ururkaasi.

Xaliimo Aadan oo looyaqaan Xaliimo Cadeeey kana mid ah haweenka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe ayaa ciidamo ka tirsan shabaab waxa ay xalay kala soo bexeen gurigeeda oo kuyaala xaafadada Hanti wadaag gaar ahaan Mashinka.

Haweeneydaan ayey shabaabku waxaa y ku eedeeyen inay xiriir laleedahay ciidamada dowladda Soomaaliya ee duulanka ku ah magaalada jowhar waxaana shabaab ku eedeeyeen haweeneydaan in Seygeeda uu hogaan u ahaa ciidamadii shalay weerarka ku qaaday Jowhar .

Xaliimo Cadeey waxaa ay ka mid tahay haweenka sida aadka ah looga yaqaan Jowhar waxaana ay ka mid ah haweenka ka ganacsada Qaadka ee ku dhaqan Jowhar xarunta gobolka shabeelaha dhexe.

Waxaa ay weydiiyeen su’aalo la xiriira shakiga shabaab ay ka qabaan iyo inuu xiriir kala dhexeeyo ciidamada dowladda .

Shabaabka Jowhar ayaa cabsi xoogan waxa ay ka qabaan ciidamada Huwanta ah ee u jiheystay dhanka magaalada Jowhar oo ay haatan shabaabku maamulaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

www.toosiye.com

Kismaayo DHAGAYSO:- Xiisad ka taagan kismaayo, iyo Sargaal Sheegay ” Ma dhamaan doonto xabbaddii billaabato ilaa aan Axmed Madoobe…
- Jun 18, 2013
Sida uu sheegay Sarkaal ku sugan halka ay xabaddu ka socoto, waxaa goordhow bilowday ...
ilyas-bareshiil DAAWO MUUQAALLO SIR AH:- ILYAAS BARRE SHIIL ” Axmed Madoobe waxaa hab qabiil ku taageeray Baarlamaanka Kenya, Fidnada Kismaayana waxaa wada Hawiye, Ogaadeen iyo………..
- Jun 18, 2013
Xildhibaan ayaa arrinta Jubooyinka si aan leexleexad laheyn ugu rogay mid qabiil, isagoona sheegay ...
4444 DAAWO SAWIRRO :- Farxiyo Kabayare oo farxaadda uurkeeda La Qaybsatay Bulshada Taageerada u ah
- Jun 18, 2013
Fannaanadda Farxiyo kabayare ayaa soo bandhigtay farxadda ah in ay uur leedahay ka gadaale ...
dab DAAWO MUUQAAL:- Dab Khasaaro ba’an gaysray oo xalay Baabi’iyay Suuqa wayn ee Garisa
- Jun 18, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla garissa iyadoo la ...
12 DAAWO AWIRRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay saraakiil Kenyan ah iyo hubkooda
- Jun 18, 2013
Ururka Al-Shabaab ee looga guuleystay awooda inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka ...
xil DAAWO MUUQAAL:- Xildhibaanno weeraray dowladda Somalia oo ku eedeeyay wax walbo oo ka socda Kismaayo
- Jun 18, 2013
Qaarkamid ah Xildhibaanada dawladda Soomaliya ayaa maanta warbaahinta lahadlay waxayna sheegeen Ina dawladda Soomaaliya ...