Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Guddiga nabad galyada & maamulka Gaarisa oo ka wadahadlay xoojinta ammaanka (Dhagayso)

GAARISA.         Kulan ay yesheen maamulka magaalada Gaarisa iyo guddiga nabad galya oo dhinac ah iyo xubno matalaya shacabka ayaa ka wada-hadlay xaaladda ammaan darro ee kusoo korortay magaalada.

Xassan Cismaan Shuuriye oo ah xog-hayaha guddiba nabad galyada magaalada Gaarisa ayaa warbaahinta uga waramay in ammaanka magaaladu uu yahay mid soo xumaanayay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna tilmaamay in guddiga iyo shacabka magaalada ay kulan la qaateen maamulka  kulankaasoo ku aadanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka magaalada.

Xassan wuxuu tilmaamay in dadka shacabka ah loo sameeyay wacyi galin kala duwan oo ku saabsanaa sidii shacabka iyo maamulku ay uga wada shaqayn lahaayeen sidii loo sugi lahaa ammaanka degmada.

Xassan Cismaan wuxuu kaloo tilmaamay in dhalinyaro badan laga sii daayay xabsiga magaalada oo howl-gallo ay ciidamada degmadu kusoo xirxireen, kuwaasoo tiradooda uu ku sheegay ilaa 50 dhalinyaro ah.

Isagoo ka hadlaya kulankii dhex-maray maamulka iyo guddiga nabad galyada ayuu shegay inay kasoo bexeen go’aamo qeexaya in la iska kaashado sidii ammaanka loo sugi lahaa.

Halkaan ka dhagayso xoghaya guddiga oo ka warbixinaya xaaladda Gaarisa


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

KISMAAYO AARGADA Deg Deg: Dhagayso: Xiisad dagaal oo ka taagan Kismaayo iyo Goobweyn
- Apr 19, 2014
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in halkaas ...
RW SAWIRO+COD: RW C/Wali Sheekh oo sheegay inuu kusoo guulaystay qorshihii Kismaayo
- Apr 19, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed ayaa maanta dib       ...
Raiisul-wasaaraha-ciidanka-tababarka-Kismaayo-71-300x200 Deg Deg: A.Madoobe oo RW C/Wali ka diiday Wareejinta Dekadda iyo Airporka Kismaayo
- Apr 19, 2014
Xili wadahadalo mudo qaatay ay magaalada Kismaayo uga soconayeen RW Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ...
Garbo-Breaking-News1 Deg Deg: Dagaal xooggan oo haatan ka soconaya Magaalada Balcad iyo cida dagaalamaysa
- Apr 19, 2014
Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu hadda ...
Breaking-News Deg Deg: Dhagayso Duulaanka Baardheere oo cabsi galiyay Kismaayo iyo….
- Apr 19, 2014
Dhaqdhaqaaq la doonayo in lagu qabto degmada Baardheere deedna ay ciidamadu u gacansiiyaan ciidanka ...
Safiirka-Saudi-Arabia-oo-waraaqihii-aqoonmsiga-uu-ka-guddoomay-madaxweynaha-2 Madaxweynaha Somalia oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Saudi Arabia.
- Apr 19, 2014
Muqdisho, 19 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ...