Ferguson “Dhaawac waa jiraa laakiin waxaa noo jooga ciyaartoy khibrad leh”.


LONDON.    
       Tababbaraha kooxda Manchester United Alex Ferguson ayaa ka hadlay ciyaarta barri dhex mari doonta naadigiisa iyo kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Manchester City.

Alex wuxuu sheegay in ciyaartaas barri dhici doonta ay ka maqnaan doonaan kooxdiisa Anderson, Nani iyo Antonio Valencia.

Wuxuu kaloo tilmaamay inuusan khatar galin karin Shinji Kagawa iyo difaaca Nemanja Vidic oo kasoo kabanaya dhaawac muddo naadiga uga maqnaa.

Dhammaan laacibiinta ka maqan naadiga ayuu haddana Ferguson wuxuu si cad u tilmaamayaa inaysan wax badan ka maqnayn naadiga wuxuuna yiri, “Waan ogahay inuu na haysto dhaawacyo laakiin ogow wali ciyaartoy kale ayaan haysanaa”.

Wuxuu kaloo yiri,
“Waxaa noo jooga ciyaaryahanno khibrad leh, waxaan nasiyay Darren Flatcher, 10 daqiiqo ayaan dheelsiiyay ciyaartii Cluj”.

Wuu sii waday oo yiri,
“Michael Carrick wuu soo laabtay, waxaa kaloo haysanaa Ashley Young, Wayne Rooney, Robin van Persie, Denny Welbeck iyo Javier Harnandez, dhammaantood waa koox dhisan oo aan safi karo”.

Ferguson ayaa intaas ku daray,
“Usbuuc kasta suurtagal maaha inaad ciyaaryahan walba safto, waa inay ogaadaan middaas taageerayaasheenu”.

Isagoo ka hadlaya dhaawaca naadiga haysta ayuu yiri,
“Sannado badan waxaa na haysatay xaalado dhaawac ah, naadi kastana way ku dhacdaa, sida caadiga ah boqolkiiba 10 (10%) usbuuc walba waxaa dhaawac kaaga maqnaanaya rag ka tirsan naadiga”.

Wuxuu kaloo intaas ku daray.
“Tani waa xaaladdaan ku sugannahay hadda, laakiin macneheedu maaha inaan quus taagannahay”.

Isagoo ka hadlaya xaaladda daafaca iminka kasoo kacay dhaawaca Nemanja Vidic ayuu tilmaamay inuusan khatar galin karin laakiin uu iminka ka qayb galo tababbarrada ay kooxdu samayso”.

Guul ay ka gaarto United oo ay ka gaarto City  oo ay lix dhibcood ku hayso hoggaanka maaha waxay United doonayso oo kaliya  ee waxaa weeye inay iska difaacdo magac xumo kale oo kasoo raacda naadigaas oo xili ciyaareedkii hore ay kala kulmeen guul-darro aan waligeed lagu dhigin United.

Ferguson oo ka hadlay wuxuu yiri,
“Xaqiiqdii labadii sano ee ugu dambeeyey Man City waxay gaartay horumar, xili ciyaareedkii ugu dambeeyeyna koobka ayay ku guulaysteen, waan ognahay inay yihiin kooxda kaliya ee ugu wayn ee aan la tartamayno inay iyaga yihiin, laakiin inaan garoonka Etihad kusoo guulaysano waxay noo tahay farxaddeena ugu wayn”.

Wuxuu tilmaamay inay u ciyaarayaan sidii xili-ciyaareedkii hore oo kale wuxuu si khaas ah uga hadlay laacibka afka hore uga ciyaara City Edin Dzeko, wuxuuna yiri, “Waa naadi khatar ah, waxay goolasha dhaliyaan daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta, siiba markay soo galiyaan Edin Dzeko, marka waxay leeyihiin marxalado la tilmaami karo”.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi, Kenya.
toosiyenews@gmail.com

Share

WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. nuu cade says:

    kooj ka fiican ma isoo marin wuxuu naadiga haayaa 26 sano marka sidii uu ku badin lahaa wuu kasaayaa looooool




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Xayaysiin

Booqaso-madaxweynaha-ciidamada-4 “Heegan buuxa ayaa la galiyay ciidamada qalabka sida” C/Kariim ayaa yiri
- Apr 15, 2013
MUQDISHO.             Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa ...
Xasan Sheekh Maxamuud “War waa cadow aan wada leennahay. Waa cadow aan qofna reebeyn” Xasan ayaa yiri
- Apr 15, 2013
MUQDISHO.           Kaddib kulan deg-deg ah oo uu la yeeshay ...
Ahlu-sunna toosiye news online Ahlu-sunna waxay soo dhaweeyeen wadahadallada Soomaaliya & Somaliland
- Apr 15, 2013
MUQDISHO.        Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe ayaa soo dhoweeyay ...
Baxsad al Shabaab GARBAHAAREEY: 3 Shabaab ah oo isku dhiibay Ahlu-sunna
- Apr 15, 2013
GARBAHAAREEY.               Saraakiil ka tirsan ururka Ahlu Sunna ...
TIKA 2 Turkish ah oo Muqdisho lagu dilay
- Apr 15, 2013
MUQDISHO.             Laba ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka ...
DSC08882 Raggii Shalay soo weeraray maxkamadda waxaa ku jiray Somali-Canadian
- Apr 15, 2013
MONTORIAL.          Wargeysyada ka soo baxa dalka Canada oo soo xiganaya ...
Suuqa-Kismaayo Kismaayo oo dib loo furay suuqyadii ay ciidamadu xireen
- Apr 15, 2013
KISMAAYO.         Maanta waxaa dib loo furay dhamman suuqyada magaalada Kismaayo ...
DSC06442 (Sawirro) Maxjarka xoolaha ee Muqdisho oo la kormeeray
- Apr 15, 2013
MUQDISHO.             Kormerkaan shaqo oo ay ku tageen maxjarka ...
DSC08882 SAWIRRO DHEERAAD AH QARAX KA DHACAY MUQDISHO
- Apr 14, 2013
MUQDISHO.                   Akhristayasheena sharafta leh waxaan ...
Cabdikariim Xuseen Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in Howlgalki Maxkamadda Gobalka Banaadir Soo dhamaaday
- Apr 14, 2013
MUQDISHO.              Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Xukuumaddda ...
Cxakiin_Maxamuud_Xaaji_Fiqi Fiqi oo baarlamaanka su’aalo lagu weydiin doono
- Apr 14, 2013
MUQDISHO.              Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu yeeray wasiirka ...
Cali Aadam Xaamud AMISOM oo ka hadashay tababarrada ciidanka Soomaaliya
- Apr 14, 2013
MUQDISHO.          Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyey ...
Maleeshiyo hubeysan Dhaqtar lagu dilay Caabudwaaq
- Apr 14, 2013
CAABUDWAAQ.                Koox hubeysan oo aan la garaneyn ...
BALAD-XAAWO-NEWS Askari lagu qisaasay Beled-Xaawo
- Apr 14, 2013
BALAD-XAAWO.           Ciidanka ammaanka ee degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ...
Shirdoon-iyo-Nkurunziza-3 Soomaaliya iyo Burundi oo ka wada-hadlay iskaashiga ka dhaxeeya
- Apr 14, 2013
BUJUMBURA.                      Dowladaha Soomaaliya iyo ...
Dagaal Faah-faahin kasoo baxaysa dagaalkii Ufurow
- Apr 14, 2013
UFUROW.                      Faahfaahin ka soo ...
photo-10 (Sawirro) Shirdoon oo tagay Bujumbura, soona afjaraya socdaalkiisa
- Apr 11, 2013
BUJUMBURA.               Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ...
BALAD-XAAWO-NEWS Balad-Xaawo: Askari dilay askari kale
- Apr 11, 2013
BALAD-XAAWO.           Askari ka tirsan ciidanka dowladda ee degmada Beled-Xaawo ...
Dab Dab baabi’iyay dukaamo
- Apr 11, 2013
CEELASHA-BIYAHA.        Dab ka kacay xalay suuq ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ...
CABDISAMAD MAXAMED GALLAN GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI (Dhagayso) Gallan “Dowladda waxaan ka codsanaynaa inay soo dhawayso dhismaha Jubbaland”
- Apr 11, 2013
BOOSAASO.          Maamulka gobolka Bari ayaa soo dhaweeyey maamul u samaynta ...
XASAN Wafdi horudhac u ah Madaxweyne Xasan oo gaaray Turky
- Apr 11, 2013
MUQDISHO.         Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ...
ROOB GAALKACYO Roob xooggan oo aqallo ku burburiyay Gaalkacyo
- Apr 11, 2013
GAALKACYO.        Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay ka ...
KISMAAYO AARGADA (Dhagayso) “Kismaayo ammaankeeda waa fiican yahay” Maxamuud Qaalib ayaa yiri
- Apr 11, 2013
KISMAAYO.               Saraakiisha ciidamada amniga magaalada Kismaayo ayaa ...
Maleeshiyo hubeysan Masuul ka tirsan maamulka Shabeellaha Hoose oo dil ka badbaaday
- Apr 11, 2013
AFGOOYE.               Masuul ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha ...
M7+SAMALIE-PM-3 (Sawirro) Shirdoon oo la kulmay Museveni iyo jaaliyadda Soomaalida ee Uganda
- Apr 11, 2013
ENTEBBE          Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ...