(faahfahain) Sh. Shibili oo war laga diiday & sababaha loo khaarajin lahaa Yuusux Xasan
Dec 8, 2012 -

ISLII. Dhalinyaro Soomaali aah ayaa isugu soo baxay bannaanka masaajidkii xalay qaraxa lala eegtay ee Al-Hidaaya. Waxayna diideen dadkaas xanaaqsan in gawaaridu ay maraan waddada uu masaajidku ku yaalo ee la dhoho Jam-Steet.
Wadaadka Soomaaliyeed ee Sheekh Shibili ayaa dadkii dhagax-tuurka samaynayay kula hadlay bannaanka masaajidka kana codsaday inaysan rabshadda sii weynayn.
Laakiin hadalka iyo codsiga wadaadka wuxuu u egyahay mid ku dhacaya dhago xiran, waxaana wali masaajidka iyo hareerihiisa taagan dhalinyaro caraysan oo dhagax ku tuuraya gaari walba oo waddadaas maraya.
Subixii hore ee saaka waxaa goobta soo gaaray ciidamo milatari ah oo isku dayay inay kala diraan dadka, qaar kamid ah dhalinta oo laqabtay ayaa la xiray, inkastoo markii dambe ay dib ugu soo laabteen goobtii.
Sidoo kale xaafadda lagu magacaabo MAJANGO oo ka tirsan Islii ayaa iyadana waxaa galay ciidamo waxaana laga soo qabqabtay dad Kenyan ah wali lama sheegin sababta xaafaddaas loo galay iyo inay ka dambeeyeen qarixii xalay.
Sidoo kale xaafadda Section-Three oo ka tirsan Islii ayaa dad Soomaali ah laga kaxaystay saaka lama oga sababta keentay in dadkaas la kaxaysto.
Isku soo duuboo qaraxyada ka dhacay xaafadda Islii waa kuwa siyaasadaysan macnahooduna yahay sidii uu xilka ku waayi lahaa Yuusuf Xasan Cabdi oo ah xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji, waana ninka kaliya ee ugu cadcad inuu xilkaas mar kale ku guulaysan doono.
Sadex qarax oo waxyeelo u gaystay dad shacab ah ayaa dhacay laba bilood oo isku xiga kuwaasoo ay ku naf waayeen dad kor u dhaafaya 18 qof dhawucuna uu ka badan yahay 100 ruux.
Dhammaan falalka ammaan xumo ee laga gaysanayo Islii waa kuwa ujeedkoodu yahay sidii uu Yuusuf Xasan ku waayi lahaa xilka dhildhibaannimo ee degmada Kamakunji.
Intuusan xilka qaban degmada kama jirin biyo nadiif ah, koronto joogto ah, ammaanka oo wax laga qabto, burburka waddooyinka waawayn, in lagu xiro waddooyinka layrar iftiimiya, xornimo u socodka Soomaalida xaafadda gudeheeda, dad Soomaaliyeed oo codkooda dhiibta iyagoo dibad-baxyo samaynaya iyo inay Soomaalidu ogaadaan inay iyagu xor u yihiin Islii.
Dhammaan qodobadaas ayuu wax ka qabtay Yuusuf laakiin wuxuu wali Soomaalida ka la’yahay inay diiwaan galiyaan fal kasta oo lagu sameeyo noocuu doono ha noqdee.
Sababaha kale ee lagu doonayo in Yuusuf la khaarajiyo waxaa weeye dhaqaalihii la iska lunsan jiray oo iminka dadka iyo degmada wax loogu qabanayo.
Laakiin nasiib wanaag Soomaalida deggen Islii wuxuu u noqday Yuusuf xidigta kaliya ee ay daawadaan.
Kumannan qof oo ku sugan Islii ayaa saaka iska waraysanaya xaalada xildhibaanka, mar walba oo aad gasho barta lagu wada-hadlo ee facebook waxay dadku soo saarteen sawirka Yuusuf waxayna ugu ducaynayaan inuu illaahay caafiyo.
Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.
WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE
Maxkamada Gobolka Bari oo Xukunno ku riday dad iskugu jira Soomaali iyo ajaanib
- May 19, 2013
BOOSAASO. Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno kala duwan ku ridey ...
“Heegan buuxa ayaa la galiyay ciidamada qalabka sida” C/Kariim ayaa yiri
- Apr 15, 2013
MUQDISHO. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa ...
“War waa cadow aan wada leennahay. Waa cadow aan qofna reebeyn” Xasan ayaa yiri
- Apr 15, 2013
MUQDISHO. Kaddib kulan deg-deg ah oo uu la yeeshay ...
Ahlu-sunna waxay soo dhaweeyeen wadahadallada Soomaaliya & Somaliland
- Apr 15, 2013
MUQDISHO. Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe ayaa soo dhoweeyay ...
GARBAHAAREEY: 3 Shabaab ah oo isku dhiibay Ahlu-sunna
- Apr 15, 2013
GARBAHAAREEY. Saraakiil ka tirsan ururka Ahlu Sunna ...
2 Turkish ah oo Muqdisho lagu dilay
- Apr 15, 2013
MUQDISHO. Laba ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka ...
Raggii Shalay soo weeraray maxkamadda waxaa ku jiray Somali-Canadian
- Apr 15, 2013
MONTORIAL. Wargeysyada ka soo baxa dalka Canada oo soo xiganaya ...
Kismaayo oo dib loo furay suuqyadii ay ciidamadu xireen
- Apr 15, 2013
KISMAAYO. Maanta waxaa dib loo furay dhamman suuqyada magaalada Kismaayo ...
(Sawirro) Maxjarka xoolaha ee Muqdisho oo la kormeeray
- Apr 15, 2013
MUQDISHO. Kormerkaan shaqo oo ay ku tageen maxjarka ...
SAWIRRO DHEERAAD AH QARAX KA DHACAY MUQDISHO
- Apr 14, 2013
MUQDISHO. Akhristayasheena sharafta leh waxaan ...
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in Howlgalki Maxkamadda Gobalka Banaadir Soo dhamaaday
- Apr 14, 2013
MUQDISHO. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Xukuumaddda ...
Fiqi oo baarlamaanka su’aalo lagu weydiin doono
- Apr 14, 2013
MUQDISHO. Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu yeeray wasiirka ...
AMISOM oo ka hadashay tababarrada ciidanka Soomaaliya
- Apr 14, 2013
MUQDISHO. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyey ...
Dhaqtar lagu dilay Caabudwaaq
- Apr 14, 2013
CAABUDWAAQ. Koox hubeysan oo aan la garaneyn ...
Askari lagu qisaasay Beled-Xaawo
- Apr 14, 2013
BALAD-XAAWO. Ciidanka ammaanka ee degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ...
Soomaaliya iyo Burundi oo ka wada-hadlay iskaashiga ka dhaxeeya
- Apr 14, 2013
BUJUMBURA. Dowladaha Soomaaliya iyo ...
Faah-faahin kasoo baxaysa dagaalkii Ufurow
- Apr 14, 2013
UFUROW. Faahfaahin ka soo ...
(Sawirro) Shirdoon oo tagay Bujumbura, soona afjaraya socdaalkiisa
- Apr 11, 2013
BUJUMBURA. Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ...
Balad-Xaawo: Askari dilay askari kale
- Apr 11, 2013
BALAD-XAAWO. Askari ka tirsan ciidanka dowladda ee degmada Beled-Xaawo ...
Dab baabi’iyay dukaamo
- Apr 11, 2013
CEELASHA-BIYAHA. Dab ka kacay xalay suuq ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ...
(Dhagayso) Gallan “Dowladda waxaan ka codsanaynaa inay soo dhawayso dhismaha Jubbaland”
- Apr 11, 2013
BOOSAASO. Maamulka gobolka Bari ayaa soo dhaweeyey maamul u samaynta ...
Wafdi horudhac u ah Madaxweyne Xasan oo gaaray Turky
- Apr 11, 2013
MUQDISHO. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ...
Roob xooggan oo aqallo ku burburiyay Gaalkacyo
- Apr 11, 2013
GAALKACYO. Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay ka ...
(Dhagayso) “Kismaayo ammaankeeda waa fiican yahay” Maxamuud Qaalib ayaa yiri
- Apr 11, 2013
KISMAAYO. Saraakiisha ciidamada amniga magaalada Kismaayo ayaa ...
Masuul ka tirsan maamulka Shabeellaha Hoose oo dil ka badbaaday
- Apr 11, 2013
AFGOOYE. Masuul ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha ...
si fican baad u sharaxday markoo horoo dhan waxaa u heystey in wax kale jiraan oo shabaab ka dambeeyaan waxaan ka dhacaayo islii markii aa aqriyay warbixitaan waa ka qancay laakiin soomaalida waxaa laga raba inay sharaftoda difacdan xildhibankodana ey garab istagan. mj thank u. jaamac yare