Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah faahin ka soo bexeysa qaraxii xalay ka dhacay Nairobi iyo booliska Kenya oo baritaano wada

Waxaa faah fahinno ay ka soo baxay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Neirobi ee caasimadda Kenya gaar ahan xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee Islii masjid ku yaala .

Qaraxaasi oo la tilmaamayo in lala damacsanaa in lagu qaarijiyo xildhibaanka laga soo doorto deeganka kamakunji  Yuusuf Xasan  .

Xaaladda ayaa saaka waxa ay tahay mid iska dagan in kastoo wali ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin halka qaraxa uu ka dhacay baritaanana ay ku wadaan waxa suurto galiyay iyo sababha dhaliyay qaraxa.

Sidoo kale waxaa ay baritaano ka wadaan ciidanka Kenya xaafadda uu qaraxu ka dhacay Soomaaliduna ay ku badan tahayee Islii kaasi oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa waxaan halkaasi ka jira cabsi xoogan oo ay qabaan Soomaalida ku nool Islii.

Goobaha ganacsiga Islii ee Soomaalida yaa al-baabada loo xiray oo ganacsiga Soomaalida ee Islii ayaa saaka ah mid xiran maadaama ay ka baqanayaan Raaf in lagula dhaqaaqo ama qafaal loo geysto maadaamada boolika Kenya ay baaritaanadu wali ay wadaan .

Inkastoo Xaalada saaka ay tahay mid deggan goobtana ay kusugan yihiin ciidamo badan oo Kenyan ah ayaa hadana waxaa soconaya howlgalo baaritaan ah agagaarka Masjidka Al hidaaya oo ah meesha qaraxa uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay qaraxii xalay ayaa waxaa ku geeriyooday 5 ruux halka dhaawacuna uu garaayo ilaa 12-ruux waxaana dhaawacyada dadka qaba ka mid ah xildhibaan Yuusuf Xuseen  xildhibaanka Kamakunji laga soo doorto.

Waxaa la tilmaamayaa in dhaawaca xildhibaanka uu yahay mid culus waxaana la sheegayaa in uu jab uu ka soo gaaray labada Lugood ,Gacan iyo sidoo kale qeybo kale oo Jirkiisa kamid ah .

Xafiiska wararka Muqdisho

www.toosiye.com


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Aadan-Madoobe Dhagayso: Aadan Madoobe oo Barre Hiiraale ku gacan siinaya qabashada Kismaayo
- Apr 20, 2014
Aadan Madoobe oo sheegay inuu yahay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka ...
Breaking-News Deg Deg: Dhagayso Qarax xoogan oo ka dhacay Gedo, iyo Duulaan Goordhow bilowday
- Apr 20, 2014
Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya Ciidamadda dawladda Soomaaliya ...
General Fartaag Dhagayso: Gen. Fartaag oo Difaacii ka baxay weerar xoogana ku qaaday Maamulka…
- Apr 20, 2014
Xili waayadan uusan saxaafada kasoo muuqan kuxigeenka Axmed Madoobe, Gen Fartaag ayaa waxaa uu ...
Breaking-News Faah Faahin: Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Guriceel
- Apr 20, 2014
Diyaarad Qaad siday oo saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka ...
barre_hiiraale Deg Deg: Dhagayso Barre Hiiraale oo ujawaabay IGAD, “A.Madoobe iyo Afey waa isku beel”
- Apr 19, 2014
Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal kasoo ...
Garbo-Breaking-News1 Deg Deg: Dhagayso: RW C/Wali oo amray in Barre iyo ciidamadiisa isa soo dhiibaan
- Apr 19, 2014
Raisul wasaaraha Soomaaliya Pro Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo magaalada Kismaayo ku ...