Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

(sawirro) Didier Drogba oo faraanti xusuus ah u qaybiyay ciyaartoyda Chelsea & Torres oo….

LONDON.          Didier Drogba ayaa xalay casho aan caadi ahayn u sameeyey naadigiisii hore ee Chelsea oo ka haray koobka Champions League.

Wuxuuna ciyaaryahannada u qabiyay faraanti uu ku tilmaamay inay kusoo xusuustaan isaga iyo koobkii ay qaadeen xili-ciyaareedkii hore ee Champions League 2011-2012.

Faraantigaas oo dushiisa lagu xarnay qoraal u qoran sidan 2011-2012 CL Champions iyo calaamadda koobkaas ee xidigaha ah ayaa qiimo ahaan jooga £800,000 (siddeed boqol oo kun oo pound). dhammaan faraantiyadii uu soo sameeyey.

Drogba ayaa casuumay ciyaaryahannadii iyo shaqaalihii koobkaas la qaaday inkastoo uusan kasoo qayb galain maamulihii kooxda ee la cayriyay Roberto Di Matteo.

Waqtiga ay cashadaas dhacday waxay kusoo beegantay xilli ay kasoo wareegtay 24 saac markii naadigu uu ka haray koobkii Champions League.

Faraantiga waxaa dhinacyada kaga xardhanaa rogooreyaashii lagu kala baxay xili ciyaareedkaas (4-3) iyo sawir isaga u eg oo faraantiga lagu sawiray.

Fernando Torres oo kamid ahaa asxaabtii ay koobkaas isla qaadeen ayaa cashadaas imaan waayay, sidoo kale waxaa ka maqnaa xafladdaas Petr Cech iyo Juan Mata.

Drogba oo ka hadlay xafladda wuxuu yiri “Waxaan jeclaystay inaan ciyaartoyda siiyo shay ay kusoo xusuustaan farxaddeenii hore”.

Wuxuu haddiyad khaas ah siiyay kabtanka kooxda Chelsea John Terry, markuu haddiyadda siinayay wuxuu ku yiri “Waxaad tahay geesigayga, qof walba oo ka tirsan naadiga wuu ku jecel yahay”.

Drogba ayaa London kusoo laabtay markii uu soo dhamaaday xili ciyaareedkii dalka China (Chinese Super League) wuxuuna naadiga la qaadan doona tababar uu isagu isugu diyaarin doono inuu ka qayb galo African Nations Cup kasoo dhici doona bisha soo socota. Wuxuuna ahaan doona kabtanka xulka qaranka Ivory Coast.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Askarta Kenya2 DHACDO XANUUN BADAN: Lix Bil jir Soomaali ah oo daryeel xumo ugu dhintay Nairobi
- Apr 16, 2014
Sida ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Dalka Kenya ,gabar yar oo lix bilood ...
Shabaab oo dilay maxbuuskii ay haysteen Kashifaad: Amisom oo Tababar buuxa siisay Al-Shabaab iyo Shaki cusub oo dhashay ‘TopNews”
- Apr 16, 2014
Wargeyska The New Vision ee ka soo baxa caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa ...
hub Caalamka oo isku haysta Somalia kadib markii laga helay Macdanta laga farsameeyo Hubka Nukliyeerka
- Apr 16, 2014
Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka ...
dagaal1 Dhagayso: P/land oo ku biirtay dagaalka Taleex iyo Hanjabaad Cusub
- Apr 16, 2014
Maamulka Puntland ayaa ku goodiyay inay jawaab adag ka bixin doonaan tallaabada ciidamada Maamulka ...
maka_13 Daad ayaa qaaday wadooyinkii Turkiga uu ka dhisay Muqdisho “Sawir”
- Apr 16, 2014
Habeen hore waxa ka da’ay magaalada Muqdisho Roob dadka ay ku diirsadeen waxaana jiray ...
Garbo-Breaking-News13 Deg Deg: Dhagayso garabka Barre oo qirtay in ciidamo ka goosteen, kana hadlay Heshiiska KISMAAYO
- Apr 16, 2014
Ciidamo kasoo goostay garabka Barre ee kusugan  deegaanka Goobwayn ee dhaca duleedka degmada Kismaayo ...