Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

(Dhagayso) R/wasaare Saacid oo ammaan kula dul-dhacay maamulka Kismaayo

MUQDISHO. Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa si aan la filayn u amaanay maamulka iyo ciidamada kusugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Riix Halkan si aad udhagaysato aad dhagaysato warkan.

Dr Saacid ayaa sheegay in ciidamada Kismaayo ay fashiliyeen isku dayo qaraxyo loo adeegsan lahaa gaadiid, kaas oo lagu qabtay maalin kahor gudaha magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Kismaayo oo aan gacan kahelayn dowlada Soomaaliya ay sameeyeen howshaas uuna aad ugu hambalyaynayo.

Sidoo kale Dr Saacid ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan tagi doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, madaxda dalkaasna uu kala hadli doono arimaha Jubooyinka.

Waa Markii ugu horeysay oo amaan noocaan oo kala ah ay kasoo baxdo Xukumada Soomaaliya oo ku aadan arimaha Kismaayo ka taagan.

Xafiiska wararka Toosiye
Muqdisho.
toosiyenews@gmail.com

4 DHAGAYSO:- Shir Xasaasi ahaa ” Yaa Iska Leh Kismaayo, Maxaa la isugu haystaa, yayse Muhiim u tahay Kismaayo
- Jun 15, 2013
Shir looga hadlayay arrimaha Jubbooyinka ayaa  lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa ...
Aw-libaax DHAGAYS:- Aw-libaax ” Ma jiro Shir Lagu qabanayo Muqdisho, waa inuu ka dhacaa Nairobi ama Kismaayo
- Jun 15, 2013
Gudomiyaha Ahlusunanda Konfureed  Ahna Gudomiyaha Saxiixeyaasha Jubbaland ayaa waxaa uu manta ka warbixiyay Socdaal ...
seeraar-kismayo DHAGAYSO:- Seeraar ” Hadalkii Golaha Ammaanka Muhiim ayuu u ahaa Jubbaland, Balse yaan lagu daalin shirka Muqdisho
- Jun 15, 2013
Afhayeenka Maamulka Axmed Madoobe C/naasir Seeraar ayaa soo dhaweeyay bayaankii nabadeed ee kasoo baxay ...
nin DHAGAYSO:- Wuxuu iska Soo tuuray dabaq Aada u dheer, waxaana jirtay wax uu ka fakarayay xilligaas, laakiin ma filayn inuu is-dilayo
- Jun 15, 2013
Wiil soomaali ayaa isku dilay gudaha wadanka Talyaaniga kadib markii uu kasoo booday dabaq ...
UN Golaha Amniga oo ka Hadlay Xaaladda Kismaayo
- Jun 14, 2013
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war saxaafadeed ka soo saarey xaaladda amni ee ...
Somaliland DAAWO MUUQAAL:- Somaliland ” Xafiiska Siyaasadda Ee UNSOM kama shaqeyn karo Somaliland
- Jun 14, 2013
Somaliland ayaa sheegtay in xafiiska siyaasadda UNSOM uusan ka shaqeyn karin Somaliland. Madaxda Somalilad ...