DHAGAYSO: Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la tayeynayo xabsiyada iyo Maxkamadaha dalka
Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxay isku raaceen in dib u dhis lagu sameeyo xabsiga dhexe oo uu xilligani ka Muuqanayo burbur aad u baahsan .
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xisri wuxuu sheegay in dhamaan golaha wasiirada ay isku raaceen in dayactir lagu Sameeyo xabsiga dhexe sidoo kalena wax laga badalo qaabka maxkadaha dalka .
DHAGAYSO HADALKA WASIIRKA WARFAAFINTA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA
Wasiirku wuxuu tilmaamay in qof waliboo Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu helo goob uu u dacwad tago hadii ay dhibatooyin la soo gudboonaadaan .
sidoo kale waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la tayeeyo ciidanka Soomaaliyeed iyo xabsiyada dalka iyo sidoo kale maxakamadaha dalka .
C/laahi Ciil-Mooge Xisri wuxuu sheegay in xukuumadda cusub ay xoogga saari doonto cadaaladda iyo Sidoo kale Garsoorka .
Xafiiska wararka Toosiye.com
Muqdisho.
toosiyenews@gmail.com
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />






