(Dhagayso) Madaxweynaha Punland oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada Boosaaso

BOOSAASO. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed “Faroole” ayaa xalay kulan la qaatey qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Bosaaso.
Kulankan wuxuu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Bosaaso, wuxuuna madaxweynu ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa taasoo gaareysa 51-daqiiqo.
Kadib khudbada Madaxweynaha ayaa dadweynihii ka soo qaybgalay loo shidey filim laga duubey shirkii dasuurka Puntland lagu ansixiyey bishii April isla amrkaana ka hadlaaya hanaanka qaabka la doonayo in Puntland ugu guurto nidaamka xisbiyada bada
Ahmiyadda kulankan ayaa ahaa in xukuumaddu ku adkaysato inaan wax doorasho ah 2013 aan la qaban doonin, muddada sanadka ahna lagu hirgeliyo doorashooyinka goloyaasha deegaanka, kan baarlamaanka isla markaana baarlamaanku dooran doono Madaxweynaha.
HALKAN KA DHAGAYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA
Toosiye.com/xafiiska Muqdisho.
toosiyenews@gmail.com
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />



