Deg Deg ;mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo gaaray Baladweyne
Wararka aan haatan ka heleyno magaalada Baladweyen ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan inay halkaasi gaareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda cusub ee Soomaaliya gaar ahaan mudanayaasha Baarlamaanka .
Diyaarad nuuca shacabka qaada ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka dagatay Baladweyne taasi oo ay saarnaayen mas’uuliyiintan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Garoonka Diyaaraha ee Ugaas Khaliif Airoport ee magaalada Baladwene markii ay ka dageen wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay soo dhaweyn wanaagsan ay kala kulmeen maamulka Magaaladaasi iyo ciidamada AMISOM.
Wali war cad lagama hayo sababa wafdigan ay halkaasi u gaaren balse wararka qaar ayaa sheegay in ay kormeer ku sameyn doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaasi jooga .
Waxaana wafuudan lagu wadaa in ay kulan la qataan mas’uuliyiinta mamulka Hiiraan gaar ahaan kan Baladweyne iyo sidoo akle saraakiisha ciidanka sida la tilmaamay ..
Wali ma aysan ka war bixin wafdigan socdaalkooda balse saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in ay Saxaafadda uga warbixiyaan imaatinkooda magaalada Baladweyne .
Xafiiska wararka Muqdisho
www.toosiye.com
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />





