Dagaalo iyo rabshado ka aloosan magaalada Mandheeraa
MANDHEERAA. Xasarado dagaal ayaa afartii maalmood ee ugu dambeeyey ka aloosnaa magaalada Mandheeraa ee gobolka Waqooyi-Bari Kenya oo xad la wadaaga gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Nin ganacsade ah oo dukaan ku leh magaalada Mandheeraa laguna magacaabo C/Naasir Qaasim ayaa noo xaqiijiyay in magaalada gudeheeda ay rasaas isku weydaarsanayaan saaka laba qabiil oo deegaanadaas wada dagga oo kasoo kala jeeda Garre iyo Dagoodiye.
Saddex maalmood kahor ayaa iridaha la isugu dhuftay meheradaha magaalada Mandheeraa cabsi awgeed.
C/Naasir wuxuu kaloo warsidaha Toosiye u sheegay in afar maalmood kahor deegaanka Raamo oo 35km ka xigta dhinaca galbeed lagu dilay afar qof oo loo malaynayo inay kasoo jeedaan qabiilka Dagoodiye.
Ciidanka Ammaanka Kenya ayaa haatan isku dayay inay si xoog ah ku joojiyaan rabshadda ka taagan magaalada Mandheeraa. Ciidamadu waxay adeegsanayaan rasaas noolnool oo ay cirka u ridayaan.
Dagaalkii saaka dhacay waxaa lagu gubay guryo waxaa kaloo lagu bililiqaystay hanti, guryaha la gubay iyo dukaamada la boobay waxay ku yaalaan suuqa wayn iyo waqda qaadka.
Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Wixii war ah ee kasoo kordha wararkeena soo socda ayaan idiinku soo gudbin doonnaa, haddii Eebe idmo.
http://www.toosiye.com/wp-content/themes/naqshadtiigalgaduud/images/" alt="Toosiye.com logo" border="0" />


