Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

China oo lacag ugu deeqaysa howlgallada Midowga-Afrika

ADIS-ABABA.        Dowladda China iyo ururka Midowga-Afrika ayaa heshiis ku gaaray sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha nabad ilaalinta iyo ammaanka gobolka.

Dhinaca China heshiiska ay saxiixeen wuxuu sheegayaa inay ugu deeqaan 80-malyan oo lacagta loo yaqaan YUAN oo u dhiganta 12.8 malyan oo Dollar.

Madaxweynaha dalka China HU JINTAO oo ballan qaad ka sameeyey shir sanadle ah oo u dhexeeya China iyo dalalka Afrika kasoo dhacay sanadkan gudihiisa ayuu ka sheegay inay dowladdiisu xagga dhaqaalaha ka caawin doonto Midowga Afrika.

Heshiiska China iyo Midowga Afrika dhexmaray wuxuu ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee caasimadda Ethiopa ee Adis-Ababa.

“Tani waxay naga caawin doontaa howlaha aanu ka wadno gudaha Soomaaliya, iyadoo aan hadda u gudubnay wajigii dibu-dajinta”. Sidaas waxaa yiri Erastus Mwencha oo ah kuxigeenka madaxa Midowga-Afrika, sida ku qoran warsaxaafadeedka.

Bishii November ee sanadkii 2011, dowladda China waxay ka dhistay magaalada Adis-Ababa xarun cusub oo ugu talagashay Midowga-Afrika, waxay kaloo dowladda Ugand ugu deeqday 17 malyan oo lacagta China ee YUAN, oo u dhiganta 2.7 oo lacagta Dollar-ka ah.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.

2 Talyaaniga oo dadka galaya dalkiisa kaga shakisan Alshabaab
- Jul 5, 2014
Madaxa Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa maalintii Khamiista ahayd ka digay in wuxuu ugu ...
11 Alshabaab oo looga baqayo dalka Uganda, iyo Mareykanka oo….
- Jul 5, 2014
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka guud ahaan Garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka ...
Kenya oo sheegtay in dad badan ay ka barakacayaan deegaanadii Alshabaab ay weerareen
- Jun 28, 2014
Boqolaal qoys ayaa ka cararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo ...
Annadif oo war kasoo saaray ciidamada AMISOM ee islaamka ah
- Jun 28, 2014
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa ...
2 Alshabaab oo arin layaableh ka sameeyay Buulo-burde
- Jun 26, 2014
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux ...
1 AMISOM oo arin dhici karta ka hadashay
- Jun 26, 2014
Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay ...