Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Beesha Sade inay wax la qaybsato beelaha Daarood waa kasoo horjeedaa!


KISMAAYO.      
    Mid kamid ah warbaahita internetka wax ku qorta oo  kusoo baxa afka Soomaaliga ayaa daabacay in beesha Sade (Mareexaan) si u diidan tahay waji kalena ku taageersan tahay maamul u samaynta Jubbooyinka.

Wargayska oo ku magacaaban Gaalkacyo wuxuu leeyahay beesha Sade waxaa uga qayb galay shirar iyo kulammo ka socday Kismaayo laba sargaal oo uu ku magacaabay Col. Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiir Naadeer) iyo Col. Cabaas Ibraahim Gureey.

Wargaysku kamuusan fiirsan raggaas halkay kala joogaan, mid wuu ku saxan yahay oo Yaasiin wuxuu joogaa Kismaayo waana guddoomiye kuxigeen gobolka ee maamulka kumeel-gaarka ee iminka ka taliya Kismaayo.

Col. Cabaas Ibraahim Gureey, been buu ka sheegay oo iminka wuxuu ku sugan yahay magaalada Nairobi, kamana uusan qayb galin shir Kismaayo lagu qabtay, waaana taliyaha ciidamada gobolka Gedo.

Wargaysku wuxuu kaloo intaas ku daray in beesha Sade ay diidan tahay in lagu daro maamulka loo dhisayo gobollada Jubbooyinka labada gobol ee Bay iyo Bakool.

Taasna maamulka iminka ka jira Kismaayo ayaaba diidan maaha mid beesha uu tilmaamay ku kooban, wuxuu kaloo tilmaamay wargaysku in beeshu qabiil ahaan ay kasoo jeedo Daarood sidaasna aysan ogolayn in beelaha kale ee Daarood ay wax la qaybsadaan.

Maxamed saleebaan.
KISMAAYO.

 


WAQTI WALBA WEHELKAAGA KA DHIGO WARSIDAHA TOOSIYE

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Deg Deg: Rasaas laga maqlay Beledweyne iyo Dagaallo laga cabsi qabo
- Apr 16, 2014
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in halkaas ...
Gaas-iyo-Camey Deg Deg: Dhagayso: Gaas oo iscasilaad loogu baaqay xili S/land kusii jeedo Garoowe
- Apr 16, 2014
Xili ciidamada Somaliland ay la wareegeen degmada Taleex oo ku dhow Garoowe ayaa waxaa ...
SHABAAB TOOSIYE NEWS ONLINE Al-Qacida: Al-Shabaab waa ku guul daraysatay Dagaalkii Soonaaliya “TopNews”
- Apr 16, 2014
Ururka Al-Qacida garabkiisa Syria ee lagu magacaabo Alnusra Front ayaa sheegay in  Xarakada Al-shabab ...
dagaal1 Deg Deg: Khaatumo State oo ku biirtay Puntland xilli Taleex ay qabsatay Somaliland
- Apr 16, 2014
Maamulka Khaatumo State ayaa ka hadlay qabsashada magaalada Taleex oo ay la wareegeen ciidamo ...
Cali-Dheere Dhagayso Cali Dheere: Hanjabaad ku socota Shacabka kunool Kenya iyo….
- Apr 16, 2014
Kadib markii Ciidamada Dowladda Kenya ay bilaabeen Raaf ka dhan ah Soomaalida ku Nool ...
xasan CADEYN: Madaxweyne Xasan Sh oo qaatay Mid kamid ah amaradii ugu cuslaa ee Itoobiya
- Apr 16, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhabeeyay warar lagu xamanayay oo ahaa in ...