Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Baan-ki-moon oo hurdadii ka toosay kadib duqayn 7 bari ku socotay Qaza

QAAHIRA.        Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Ban-Ki-Moon ayaa haatan u muuqda mid jiifka ka kacay kadib gantaalo lagu garaacayay Qaza muddo 7 cisho ah.

Wuxuu iminka ku sugan yahay dalka Masar caasimaddiisa Qaahira wuxuu la shirayaa wasiirka arrimaha dibadda dlaka Masar Maxamed Kamaal Caamir.

Wuxuu kaloo la shirayaa caawa dhigiisa xog-hayaha ururka Carabta oo uu labadoodaba kala shiri doono sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Qaza.

Wuxuu kaloo safarkiisa uu ku marayo Bariga-Dhexe lugtiisa labaad tagi doonaa Israel, oo uu soo eegi doono khasaaraha ay soo gaaray iyo siday isku difaaceen, wuxuuna soo dhagaysan doonaa waxay ka qabaan xabad joojin.

Inuu haatan jiifka ka koco waxay ahayd markii dalalka Carabtu ay si guud u canbaareeyeen duqaynta Qaza lagu hayo.

Intaan warkiisa lagu baahin saxaafadda waxaa kahoreeyey hadal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibadda dalka Maraykanka oo sheegay inay u dirayaan Bariga-Dhexe Ban-Ki-Moon.

Isagoo warbaahinta la hadlaya wuxuu yiri “Waa inay dagaalka joojiyaan dhammaan garabyada dagaallamaya, waan ognahay Israel inay xuquuq uleedahay inay is difaacdo”.

Wuxuu u muuqdaa nin shaqadiisa loo tilmaamayo, wuxuna haatan u egyahay nin 7 bari kahor seexday.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.
Nairobi-Kenya.

Kismaayo DHAGAYSO:- Xiisad ka taagan kismaayo, iyo Sargaal Sheegay ” Ma dhamaan doonto xabbaddii billaabato ilaa aan Axmed Madoobe…
- Jun 18, 2013
Sida uu sheegay Sarkaal ku sugan halka ay xabaddu ka socoto, waxaa goordhow bilowday ...
ilyas-bareshiil DAAWO MUUQAALLO SIR AH:- ILYAAS BARRE SHIIL ” Axmed Madoobe waxaa hab qabiil ku taageeray Baarlamaanka Kenya, Fidnada Kismaayana waxaa wada Hawiye, Ogaadeen iyo………..
- Jun 18, 2013
Xildhibaan ayaa arrinta Jubooyinka si aan leexleexad laheyn ugu rogay mid qabiil, isagoona sheegay ...
4444 DAAWO SAWIRRO :- Farxiyo Kabayare oo farxaadda uurkeeda La Qaybsatay Bulshada Taageerada u ah
- Jun 18, 2013
Fannaanadda Farxiyo kabayare ayaa soo bandhigtay farxadda ah in ay uur leedahay ka gadaale ...
dab DAAWO MUUQAAL:- Dab Khasaaro ba’an gaysray oo xalay Baabi’iyay Suuqa wayn ee Garisa
- Jun 18, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla garissa iyadoo la ...
12 DAAWO AWIRRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay saraakiil Kenyan ah iyo hubkooda
- Jun 18, 2013
Ururka Al-Shabaab ee looga guuleystay awooda inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka ...
xil DAAWO MUUQAAL:- Xildhibaanno weeraray dowladda Somalia oo ku eedeeyay wax walbo oo ka socda Kismaayo
- Jun 18, 2013
Qaarkamid ah Xildhibaanada dawladda Soomaliya ayaa maanta warbaahinta lahadlay waxayna sheegeen Ina dawladda Soomaaliya ...