Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Al-Shabaab “Intaan noolnahay Kismaayo maamul loo samayn maayo” (Dhagayso)


KISMAAYO.  
   Hogaamiyaha Kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubooyinka Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa ayaa ku hanjabay in ay dib uqabsan doonaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta ay nool yihiin an maamul loo samayn doonin gobollada Jubooyinka, ayna la dagaalami doonan cid kasta oo isku dayda in ay maamulkas faro ku yeelata.

Riix Halkan si aad Waraysiga udhagaysato

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Jubbooyinka ayaa tilmamay in weeraro kala duwan ay ku qaadeen ciidamada kusugan magaalada Kismaayo ayna gaarsiiyen qasaaro xooggan.

Sheekh Cabdi Raxmaan Xudeyfa ayaa carabka ku adkeeyay in ay dib uqabsan doonaan  magaalada dhaqaalaha leh ee Kismaayo.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa si dagaal ah looga saaray magaalada Kismaayo iyo qeybo kale oo gobollada dalka ah, iyagoo xiliyada qaar weeraro ku qaada magaalada iyo deegaano kale oo Jubbooyinka ah.

C/Kariim Cabdi
Wariyaha Toosiye.com Kismaayo 

2 Talyaaniga oo dadka galaya dalkiisa kaga shakisan Alshabaab
- Jul 5, 2014
Madaxa Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa maalintii Khamiista ahayd ka digay in wuxuu ugu ...
11 Alshabaab oo looga baqayo dalka Uganda, iyo Mareykanka oo….
- Jul 5, 2014
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka guud ahaan Garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka ...
Kenya oo sheegtay in dad badan ay ka barakacayaan deegaanadii Alshabaab ay weerareen
- Jun 28, 2014
Boqolaal qoys ayaa ka cararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo ...
Annadif oo war kasoo saaray ciidamada AMISOM ee islaamka ah
- Jun 28, 2014
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa ...
2 Alshabaab oo arin layaableh ka sameeyay Buulo-burde
- Jun 26, 2014
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux ...
1 AMISOM oo arin dhici karta ka hadashay
- Jun 26, 2014
Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay ...