Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Nin loo qabtay inuu wax ka ogyahay qaraxii Gaarisa

Gaarisa:  Hal qof ayaa loo xiray qarax shalay subax ka dhacay magaalada Gaarisa oo loo gaystay kaniisad ku taala magaalada, wuxuu qaraxaasi galaaftay dhimashada hal askari waxaa kaloo ku dhaawacmay 14 kale, qofkaas hadda gacanta lagu dhigay waxaa la sheegay inuu  wax ka ogyahay ciddii ka dambeysay qaraxaas.

Duqa degmada Gaarisa Maxamed Maalim ayaa isagoo u warramaya warbaahinta u sheegay sidan, “Ninkaan wuxuu noo sheegay inuu arkay nin ku soo noqnoqday agagaarka kaniisadda daqiiqado kahor intuusan qaraxu dhicin. Waxaan la yaabannahay sababta uu degdeg noogu soo sheegi waayay warkaas intuusan falku dhicin”.

Maxamed, wuxuu kaloo yiri, “Waxaan aamminsanahay inuu ogyahay wax badan”.

Dadka ku dhaawacmay 11 kamid ah waa haween, laba nin iyo ilmo yar oo jira 3 bilood.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa si xooggan u canbaareeyey falkaas.

Kolonzo oo arrinkaas ka hadlay wuxuu yiri, “Aad baan kuga xumahay kuwa dambiilayaasha sida Al-Shabaab oo kale ay dadkeena reer Garisa argagax galiyaan”.

Wuu sii hadlay oo yiri, “Laakiin Allaah kaliya ayaa balaayada ka hayn kara wadankeena Soomaaliyana ka dhigi kara meel nabad ah, laakiin waa wax lagu waano qaato inaanu noqonay dad u jilicsan falalkaas oo kale meelaha aan wax ku caabudno.”

Kolonzo wuxuu hadalkaas jeediyay isagoo ku sugan bariga dalka Kenya.

Toosiye News Network, Gaarisa.

Kismaayo DHAGAYSO:- Xiisad ka taagan kismaayo, iyo Sargaal Sheegay ” Ma dhamaan doonto xabbaddii billaabato ilaa aan Axmed Madoobe…
- Jun 18, 2013
Sida uu sheegay Sarkaal ku sugan halka ay xabaddu ka socoto, waxaa goordhow bilowday ...
ilyas-bareshiil DAAWO MUUQAALLO SIR AH:- ILYAAS BARRE SHIIL ” Axmed Madoobe waxaa hab qabiil ku taageeray Baarlamaanka Kenya, Fidnada Kismaayana waxaa wada Hawiye, Ogaadeen iyo………..
- Jun 18, 2013
Xildhibaan ayaa arrinta Jubooyinka si aan leexleexad laheyn ugu rogay mid qabiil, isagoona sheegay ...
4444 DAAWO SAWIRRO :- Farxiyo Kabayare oo farxaadda uurkeeda La Qaybsatay Bulshada Taageerada u ah
- Jun 18, 2013
Fannaanadda Farxiyo kabayare ayaa soo bandhigtay farxadda ah in ay uur leedahay ka gadaale ...
dab DAAWO MUUQAAL:- Dab Khasaaro ba’an gaysray oo xalay Baabi’iyay Suuqa wayn ee Garisa
- Jun 18, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla garissa iyadoo la ...
12 DAAWO AWIRRO:- Al-Shabaab oo soo bandhigay saraakiil Kenyan ah iyo hubkooda
- Jun 18, 2013
Ururka Al-Shabaab ee looga guuleystay awooda inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka ...
xil DAAWO MUUQAAL:- Xildhibaanno weeraray dowladda Somalia oo ku eedeeyay wax walbo oo ka socda Kismaayo
- Jun 18, 2013
Qaarkamid ah Xildhibaanada dawladda Soomaliya ayaa maanta warbaahinta lahadlay waxayna sheegeen Ina dawladda Soomaaliya ...